berberatoday.com
Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Markii Ugu Horeysay Booqdey Dalka Burundi + (Sawirro)
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Bujumbura(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa gaadhay magaalada Bujumbura ee Caasimada Burundi, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ban burundi (1)

Ban Ki-Moon ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, waxaana uu dadaal ugu jiraa sidii loo xalin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.

Qalalaasaha ka jiray Burundi tan iyo bishii April ee sanadkii hore markii Madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo taagayo xilka Madaxtinimada waxaa rabshado ka dhacayay dalkaas ku dhintay boqolaal ruux.

Ban burundi (2)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Burundi Peirre Nkurunziza, isagoo kala hadli doona sidii qalaalasaha dalkaas ka taagan loo soo afjari lahaa.

Ban burundi (5)

Mr Ban ayaa ku cadaadin doona dowladda iyo Mucaaradka inay tagaan Caruusha, si loo sii wado dadaalada nabadeed ee lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira mudada sanadka ku dhow.

Ban burundi (3)

Sidoo kale maalinta khamiista ee soo socota ayaa lagu wadaa in Burundi ay tagaan Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo Hogaamiyeyaal Afrikaan ah, si ay dadaal ugu galaan xal u helida mushkilada siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.Ban burundi (4)

Illaa Nus milyan ruux ayaa ku barakacay rabshadaha ka taagan dalka Burundi, waxaana xiisada ka taagan Burundi ay salka ku heysa qowmiyadaha Tutsi iyo Hutu oo horay dagaal dad badan ku dhinteen dhex maray.

 

ban-ji-moon

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews