berberatoday.com
Afhayeenkii Hore Madaxtooyada Somaliland Oo Tahriib Ku Galay Yurub
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa la sheegayaa in uu dalka ka tahriibay, ka dib markii uu dhawaan u anba baxay Dalka Turkiga.Dhuxul

dhuxul sss

 

 

 

 

 

 

 

 

Safarkii ugu dambeeyay ee uu ku baxay Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ahaa kii uu ku wehelinayay walaalkii Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax.

afhayeenkii hore oo xilkaaasi iska casilay ayaa ka hor intii aanu ka anbo bixin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa warbaahinta u sheegay in safarkiisani uu yahay mid uu ku sii raacayo walaalkii Xasan Dhuxul oo wakhtigaasi xaalad caafimaad ugu anba baxayay dalka Turkiga, hasayeeshee dhawr todobaad ka hor ayuu Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa.

Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sida ay shabakada  Berberatoday.com ka heshay ilo wareedyo u dhuun daloola afhayeenkii hore ku sii jeeda qaarada Yurub, waxaana wararku  ay sheegayaan in uu ka anba baxay dalka Turkiga, siina maray wadamada Giriiga, Macedonia, Faransiiska iyo Jarmalka.

aakhirkii waxa lagu soo waramayaa in uu degay dalka Sweden halkaasna oo uu dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa.

Tahriibta Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili uu hore isna tahriib ugu galay dalka Turkiga Wariyihii Gaarka ahaa ee Madaxweyne Siilanyo Maasim Axmed Cawaale oo mudo hada laga joogo laba sanadood dalka ka tahriibay.

Axmed Saleeban Dhuxul ayaa xiligii ololaha Kulmiye ugu jiray Doorashadii Madaxtinimada dalka ahaa shaqsiyaadkii kaga dhawaaqi jiray Idaacadii sharcidarada aheyd ee Horyaal ereyo ay kamid ahaayeen UDUB way Tagaysaaye ha Tahriibin walaal balse maanta isagii ayaa Tahriibay kadib markii uu arkat Rajo la,aanta Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo ta Xisbiga Kulmiye.

afhayeenkii hore ayaa xilka iska casilay muddo hada laga joogo dhawr bilood, waxaanu ku biiray Garabka Is Bahaysiga Kulmiye oo uu qaadacay shirkii xisbiga Kulmiye.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews