berberatoday.com
Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xanibaad Kenya Ku Samaysay Wefti Sharmaarke Hoggaaminayey
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay Xayiraaddii Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi Wafdigii Raysal-wasaaraha Somalia uu hoggaaminayay loogu geystay Sabtidii Toddobaadkan, iyagoo Garoonkaas ku ahaa Transit ay uga gudbayeen Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga si ay uga qayb-galaan shirka wada-tashiga Maalgashiga ee Magaalada Istanbul ka dhacaya.

Inkastoo, Wafdiga uu Hogaaminayay Raysal-wasaare Cumar C/rashiid iyo Mas’uuliyiin DF ka Tirsan ay heleen soo dhaweyn, Haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Somalia ka tirsan.

“Dowladaha Somalia & Kenya hore waxay u kala Saxeexdeen heshiis is-faham ah kaasoo dhigayay in Xubnaha sare ee dowladda Somalia iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay helaan ogolaansho Dal-ku-gal – Waqti kasta oo ay u safraan Dalka Kenya, iyadoon dib u dhac lahayn, laakiin nasiib-darro in dowladda Kenya ay jabisay heshiiskaas,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay Shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaa War-saxaafadeedkeedan ku xustay inay ka sugayso Hoggaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur-daar rasmi ah iyo faahfaahin la xidhiidha dhacdadaas iyo sababta keentay Xanibaadda Wafdi heerkiisu sareeyo oo uu Hoggaaminayo RW Xukuumadda Federaalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia, waxay sheegtay inay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee falkaas ay ka bixinayso. Waxaana hadalkaan uu kusoo beegmayaa maalin kaddib markii garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta muddo 20 saacadood ay ku Xayirnaayeen xubno ka tirsanaa wafdigii la socday Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews