berberatoday.com
Hargeysa: Kala Qaybsanaan Soo Wajahday Garabkii Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye Iyo Mawqifyada Kala Duwan Ee Ay Kala Taagan Yihiin
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiyiinta ku midoobay garabka isbahaysiga xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye  ayaa u muuqda uu soo wajahay kala qaybsanaan baaxad leh.

Siyaasiyiinta ku midoobay isbahaysiga isbadal doonka ah ee xisbiga Kulmiye ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey kulamo kala duwan ku lahaa magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay kaga arinsanayeen xisbigii ay ku biiri lahaayeen, waxaana ay wararku sheegayaa inay ku kala qaybsameen inay meel qudha iskugu biyo shubtaan.

Xubno ka mid ah garabka isbahaysiga xisbiga Kulmiye ayaa go,aansaday inay dib ugu noqdaan xisbigii ay mudada badan dibad  wareega ka ahaayeen, waxaana iyada oo taasina keentay inay soo wajahdo kala qaybsanaan sababtay kala duwanaansho ku yimid aragtida
siyaasadeed ee ay ka aaminsan yihiin xisbiyada dalka.

Siyaasiyiinta isbahaysiga xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo bixi doonto kala qaybsanaanta ku timid, waxaanay wararka hor dhaca ah ee laga helayaa ay sheegayaa inay u kala qaybsameen xubno go,aansaday inay dib ugu laabtaan xisbigii ay ka cadhoodeen ee Kulmiye iyo xubno go,aansaday inay ku biiraan xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani Iyo Ucid iyo sidoo kale xubno aan wali mawqifkooda cadayn.

Wasiirkii hore ee cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlay mustaqbalkooda siyaasadeed ayaa dhawaan cadeeyey inuu wada hadal u bilaabmay xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, waxaanu tilmaamay inay go,aan ku gaadhi doonaan xisbigii ay u arkaan inuu dan u yahay.

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhinaciisa cadeeyey inuu wada hadal ku furmay garabka isbahaysiga xisbiga Kulmiye, waxaanu shaaca ka qaaday in haddii ay is afgarad gaadhaan ay si weyn ugu soo dhawaynayaan xisbiga Ucid.

 

Sidoo kale xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijandhe oo ka mid ahaa musharaxiintii xisbiga Kulmiye isla xubin muhiim ah ka ahaa garabka isbahaysiga xisbigaasi ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay xisbiga Kulmiye, ka dib markii ay madaxtooyada somaliland wada gaadheen is afgarad buuxa.

Kala qaybsanaanta soo wajahday garabkii isbahaysiga xisbiga Kulmiye ayaa noqonaysa mid meesha ka saaraysa hankii iyo ujeedadii ay ku wada socdeen xubnaha ku midoobay ee cadhada kaga tagay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa, waxaana la dhawri doonaa go,aanada kala duwan ee ay xubnahani qaataan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews