berberatoday.com
Lacagta Boqortooyada Ingiriiska Oo Hoos Udhicii Ugu Badnaa Soo Waahay
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Lacagta Ingiriiska ee loo yaqaanno (Pound), ayaa markii ugu horaysay aad hoos ugu dhacday ku dhawaad toddobo sano meeshii ay joogtay markii loo beddelo Dollarka, iyadoo ay jirto hubaal la’aan in Britain ay ka baxayso Midowga Yurub iyo in kale.

Wakhti hore ayay hoos u dhacday 2.1% oo Ginigu gaadhay $1.41, oo ah hoos u dhicii ugu waynaa hal maalin tan iyo March 2009-kii.

Tallaabadan ayaa ka danbaysay markii Duqa magaalada London Boris Johnson, uu sheegay inuu ku biirayo ololaha in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, kadib markii Ra’iisalwasaaraha David Cameron uu ku dhawaaqay in bisha June la qabanayo Afti lagu kala ogaanayo in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub iyo inuu ka sii mid ahaado.

Hoos u dhaca badan ayaa u keentay Khasaare lacagta Poundka oo hoos u dhacaysay bilihii ugu danbeeyay.

Ilaa hadda ayaa cabsi laga qabaa in Britain ka baxdo Midowga Yurub ayaa pounka hoos u dhigay 4% marka loo beddelayo Dollarka.

Hoos u dhaca Shalay, ayaa u eg inuu ka jawaabayo inay korodhay suurtogalka in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, kadib markii heshiis cusub ee Midowga Yurub uu kala qaybiyay siyaasiyiinta, sida uu sheegay Sam Hill oo ah dhaqaalyahan ka tirsan RBC Capital Market.

Haddii lacagta Pound-ka uu sii ahaado meesha hoose ee uu joogo Wakhtigan, waxay noqon doontaa hoos u dhacii ugu waynaa tan iyo markii bangiga dhexe ee England uu hoos u dhigay dulsaarka 2009-kii, oo uu bilaabay barnaamij uu lacag ku daabacayo si dhaqaalaha loo taageero.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews