berberatoday.com
“Maalintii Gabiley La Ii Soo Magacaabay Dad Qaar Ii Tacsiyadeynayey, Maanta markii Sool la ii Magacaabeyna Qaar leh Malaha Waad Ku Dhimanaysaa.” Badhasaabkii Hore Ee Gabiley
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Gabiley(Berberatoday.com)-Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)  oo Shalay Badhasaabka Cusub ee Gobolka Gabiley loo soo Magacaabay xilka ku wareejiyey, ayaa sheegay in markii Badhasaabnimada Gabiley loo soo magacaabay ay jireen Dad uga dardaar-weriyey inuu ka shaqeyn karo, Maantana ay jiraan Dad uga dardaar-werinaya Badhasaabnimada Gobolka Sool ee loo beddelay.

Badhasaabka SoolMustafe Shiine oo Shalay Xilka ku wareejiyey Badhasaabka cusub ee Gobolka Gabiley, ayaa tilmaamay in Dad badan markii loo Magacaabay Guddoomiyaha Gabiley u Tacsiyadeeyeen isla-markaana u sheegeen in Siyaasaddiisu ku Saqiiri doonto, laakiin aanay sidaasi noqon ee uu si wanaagsan uga soo baxay Xilkaasi, taasina keentay in loo Magacaabo Badhasaabka Gobolka Sool ee cusub.

Mustafe Shiine oo ka hadlayey Xafladda uu Xilka ku wareejiyey, ayaa yidhi, “Maalintii Gabiley la ii soo Magacaabay Dad qaar ii Tacsiyadeynayey, waxay lahaayeen Waxaad tahay Nin dhallinyaro ah oo waxaanu ka baqeynaa inaad ku Curdan dhadho oo aad Gabiley joogi kari waydo Saddex bilood.”

Badhasaabka oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Maanta Markii la ii Magacaabay Sool-na qaar baa leh Malaha waad ku dhimanaysaa “ ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inuu wax badan ka qabtay Gobolka Gabiley intii joogay, isagoo xusay inuu ka tagayo Dadka Gobolka Gabiley oo dhammaantood Xisbiga KULMIYE taageersan, halka uu sheegay inuu soo afjaray is haysigii iyo murankii ay caanka ku ahaayeen Golaha deegaanka degmada Gabiley.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews