berberatoday.com
War Deg Deg Ah Xukumada Somaliland Oo La Sheegay Inay Dekeda Berbera Kireysay
February 24, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-War Rasmiya Laga helay Xukumada Somaliland ayaa sheegaya in Dekeda magaalada Berbera laga kireeyay rag kasoo jeeda dalka isutaga imiraatka Carabta oo sheegtay inay yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta Dekedaha. waxaana la sheegay in qorshaha Kireynta Dekeda Berbera uu mudo dheer ku hawlanaa Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan oo sheegta inuu yahay Waiilka Somaliland ee Dalka Isutaga Imiraatka Carabta,

Warka ayaa intaa kudaraya in Madaxweyne Siilanyo na wiigan dabayaaqadiisu socdaal ku tagi doona dalka isutaga Imniraatka Carabta halkaas oo uu kusoo saxeexi doono qorshaha dhameystirka Kireynta Dekeda Berbera ee wiilka uu Sodoga  Uyahay ee Baashe Moran wato islamarkaana uu dhaqaale badan ka heli doono hadiiba ay usuuragasho kireynta Dekeda Berbera.

Arinkan Kireynta Dekeda Berbera ayaa daba socda qorshihii ay hore Xukumada Madaxweyne Siilanyo ugu guulaystay ee lagu kireeyay haamaha shiidaalka Berbera oo ahaa bilawga dhaxal wareejinta ilaha dhaqaalaha dalka gaar ahaan kuwa Berbera.

Sidoo kale shaqsiyaad ku sugan dalka isutaga imiraatka carabta gaar ahaan Dekeda dubai ee Xamariya oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Berberatoday.com ayaa sheegay in qalabkii lagula wareegi lahaa dekeda Berbera oo isugu jira qalabyada wax roga waxna rara iyo agabyo Xafiisyo oo aad utira badan oo ay leeyihiin shaqsiyaadka laga kireeyay dekeda laga soo raray Dekedaas lana filayo inay maalmaha soo socda soo gaadhaan Dekeda Berbera.

Arinkan kireynta Dekeda Berbera ayaa aad looga dareemay magaalada Berbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil waxaana laga yaabaa inay kireynta Dekeda Berbera ee xukumadu ku kacday keento kacdoon dadweyne oo wada gaadha guud ahaan Gobolada dalka iyada oo xaalada Gobolka Saaxil waayadan danbe kacsanayd oo dhibaato hore ka dhacaday deegaanka Ceel Garde oo dekeda macmal ah Beesha madaxweyne Siilanyo ka bilawday dhismaheeda balse arinkaas la qaboojiyay balse aan Xukumada Somaliland dhismaha dekedaas wali talaabo cad ka qaadin.

Kireynta Dekeda Berbera ayaa waxa qorsheheeda mudo dheer waday Baashe Morgan oo damacsan inuu sidii Cabdiraxmaan Boorihii reer Jabuuti uu uga taajiro kireynta Dekedaha jabuuti balse markii la ogaaday in arinkaasi yahay dhaxal wareejin hanti qaran laga eryay Cabdiraxaam Boore iyo shirkadihii uu watayba.

Wixii kasoo Kordha Arinka Kireynta Dekeda Berbera kala soco Shabakada Wararka Ee Berberatoday.com

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews