berberatoday.com
Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Wiil Yar Oo Saddex Qoys Isku Haystaan
February 24, 2016 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Maxkamadda   degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa  Axadii todobaadkan  ka furantay  dacwadda wiil yar oo  ay isku haystaan  saddex  qoys  oo degan magaaladda Laascaanood. Wiilkan yar oo  da’diisa lagu sheegay intay tahay 12-jir, ayaa muddo saddex bilood ah waxaa gacanta ku hayay   xog-hayaha  dawladda hoose ee degmadda  Laascaanood   Cabdi   Khayre   Dirir, oo uu gurigiisa ku noolaa, hase yeeshee horaantii bishan ay siyaabo kala duwan u sheegteen saddex qoys oo wada degan Laascaanood.

Cabdi Khayre Dirir, xoghayaha dawladda  hoose ee Laascaanood  ayaa arrinta wiilkaasi yar  ee ay saddexda qoys isku haystaan  xalay uga waramay wargeyska DAWAN, isagoo  ku sugan magaaladda Laascaanood. waxaanu sheegay in dacwada saddexda qoys ee sheeganaya ilmahan yar ay todobkii hore ka bilaabantay maxkamadda degmada Laascaanood. Xoghayaha dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood Cabdi Khayre Dirir, ayaa ka waramay xaaladda wiil yar oo uu muddo dhawr bilood ah, iyadoo ay dhawaan saddex qoys oo degan magaaladda Laascaanood mid waliba uu isagu sheeganayo.

Cabdi Khayre Dirir, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo joogay magaaladda Laascaanood ayaa Isagoo ka waramayay goortii uu wiilkaasi yar helay, mudadda uu hayay iyo wakhtiga ay saddexdan qoys sheegteen, waxa uu yidhi   “Sanadkii hore bishii 11-aad, 8-dii ayaan wiilkan yar helnay, goor subaxnimo ah oo ay saacadu ku beegnayd 10: subaxnimo ayuu gaadhi NOA ah oo uu ka soo raacay Garoowe kaga degay Laascaanood.  Kadibna  markii uu yimid magaaladda, hooyaday-baa magaaladda ku nool oo Madhiibaan ayaan ahay iyo  wax noocaas ah ayuu sheegtay, kadib  wuxuu yimid saldhig boolis oo ku yaala Laascaanood oo la yidhaahdo saldhiga Wadnaha, wuxuuna yidhi Garoowe ayaan ka imid, Aabo iyo Hooyo mid-naba ma lihi, oo xeryaha booliska Puntland ayaan ku noolaan jiray.  Kadibna  danbi-baadhihii saldhiga ayaa aniga ila soo hadlay, wuxuuna igu yidhi ilmo yar oo Ambad ah ayaanu haynaa, ii keenna ayaanan ku idhi, waana la ii keenay”.

 

“Maxkamadda degmadda ayaananu war-gelinay  waanay waraysatay, waxaanu yidhi wiilkii yaraa, hooyo iyo aabo iyo cid idhashay haba yaraatee garan maayo, waxaanan ku garaadsaday anigoo Gaalkacayo jooga oo nin budhcad-badeed ahaa oo dhintay  uu I  haysto, markii uu ninkii budhcad-badeeda ahaa dhintayna  dawladda hoose ee Gaalkacayo ayaa ila wareegtay, halkaas  ayaanan ku noolaan jiray.  Markii  danbena  xero-bilays oo Gaalkacayo ah ayaan ku noolaan jiray, markii danbena waan ka imid oo xerada booliska Puntland ee magaaladda Burtinle ayaan ku noolaan jiray, aakhirkiina waxaan ku noolaa xerada qaybta booliska ee Garoowe, kadibna sidaas ayaan kaga imid” ayuu yidhi Cabdi Khayre.

Xoghayaha dawlada hoose ee Laascaanood oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Kadibna waxaa la waydiiyay maxaad uga timid Garoowe?  Waxaanu yidhi  wiilkii yaraa, nin meesha joogay ayaa wax igu dhuftay, anna waan isaga soo cararay, sidaas ayaanan uga imid. Waxaa la waydiiyay hadda diyaar ma u tahay in aad ku laabato meeshii aad ka timid? Maya ayuu yidhi, ee halkan ayaan iska joogayaa. Magaaladda Garoowe cid ma ka garanaysaa raggii askarta ahaa ayaa la waydiiyay?  haa nin ayaan ka garanaa ayuu yidhi,  telefoonkiisa ayuu na siiyay. Qolada maxkamada ayaa ninkii la hadashay, ninkiina wuxuu yidhi ilmahaa yari waa inan Soomaaliyeed, cid idinka xigtaana ma jirto,  ciidanka ayaanu iskala noolaan jiray,  aabihii iiyo hooyadiina garan mayno, markaa haya inta cidiisa la helayo, ayuu maxkamadda ku yidhi ninkii.” “Kadibna Maxkamaddu go’aan ayay markaa gaadhay waxaanay si sharci ah ugu wareejisay  wiilkii yaraa anigoo ah xoghayaha fulinta   dawlada hoose ee Laascaanood, in aan gacanta ku hayo inta la helayo cid sheegato, sidaas ayaanan anigu ku hayay bishii 11-aad  iyo 12-aad  ee sanadkii u hore  iyo bishii 1-aad iyo bishan dhamaadka ah ee aynu ku jirno.  Afarta  bilood ayaan  hada  wiilkan yar gacanta ku hayaa.

Mudadana  qoyskayga   ayuu kula nool yahay Laascaanood xanaanadiisa, daryeelkiisa, ilaalintaasi iyo culayskiisuba aniga ayay I saaran tahay. Waana da’da 12 jirka.  Dad badan ayaan raadiyay oo ninkan yar garta, oo   aan Gaalkacayo ka raadiyay,  nin sarkaal ah oo ka tirsan ciidanka Puntland oo  markii hore Gaalkacyo joogi jiray, imikana  Garoowe jooga ayaan helay, ninkaasina wuxuu  I siiyay xog ah  in uu wiilkan yar markii u horaysay ku arkay Gaalkacayo isagoo ku noolaa sanadkii 2011. dad kale iyo meel kalena  aanu garanaynin”.

Cabdi Khayre Dirir, waxa uu intaasi ku daray  (Sidaas ayaan anigu afar cisho ka hor ugu soo bandhigay warbaahinta iyo facebook.  Markaa  mudadii  saddexda    bilood ahayd  ee aan  hayay, cid    ilmahaas yar sheegatay ama ii timid maan arag.  Bishan  aan ku  jirno horaanteedii ayaa saddex qolo oo reer Laascaanood ah  ayaa qolo waliba dhinaceeda u sheegatay, qolo waliba waxay leedahay anagaa dhalnay, saddex jir ayuu nagaga lumay, lix jir ayuu nagaga lumay, calaamadahan  ayuu noo lahaa, buuq fara badan ayay nagu abuureen.

Maxkamadda  degmadda Laascaanood  ayaa  imika Kiiskii gacanta ku haysa, oo u furtay 3-da  qoys ee reer Laascaanood,  oo  aanu hadda haynaa wax ku  andacoonaya wiilkan yar.  Maxkamadu  waxay furtay uun gal-dacwadeedyadii, iyo wixii cadaymo iyo qoraallo ah ee ay qoysasku soo gudbisteen.”

Xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood ayaa sheegay  inuu ku wareejinayo dhinacii ay maxkamadu si sharci ah ugu xukunto, Waxaanu ugu baaqay hay’adaha dawliga ah, kuwa madaxa banaan iyo cid kasta oo arrinta ilmahaasi ka caawin karta inay gacan ka siiyaan sidii eheladiisii loogu heli lahaa.

“Annigu waxaan ku wareejinayaa  oo keliya, oo aan ku qancayaa cid kasta oo uu sharcigu sida sharciga ah ugu xukumo,  qofkii sifo sharci ah ku hela diyaar baan u  ahay in aan siiyo.  Laakiin  cid aan iskaga wareejinayo uun ma jirto.  Waxaanan  ka codsanaynaa cid kasta oo naga caawin karta hawshaasi, haddii ay tahay hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaanba in ay qayb ka qaataan sidii wiilkaasi yar loogu heli lahaa eheladiisii”ayuu yidhi Cabdi Khayre Dirir.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews