berberatoday.com
Dawladda Oo Go’aan Ka Gaadhay Halista Sunta Wershadaha Hargaha Ee Degmadda Laasgeel
February 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiradda wasaaradaha deegaanka iyo warshadaha ayaa go’aamo ka soo saaray wershada Hargaha iyo Saamaha deegaanka Dacarbudhuq ee degmada Laasgeel, oo ay hore u xayirtay maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii la sheegay in dad ay ku sumoobeen.

Shir wada-jir ah oo ay yeesheen wasiirrada wasaaradaha deegaanka iyo warshadaha oo qaatay muddo saacado ah ayaa laga soo saaray go’aamo dhawr ah oo dadka deegaankaas ka badbaadin kara halista ay keeni karaan khashinka iyo hadhaaga suntan ay isticmaasho warshaddu ee lagu farsameeyo Hargaha iyo Saamaha.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka qaby galay wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta rer miyigi marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandhare, wasiirka warshadaha mudane Shucayb Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka, gudoomiyaha degmada Laasgeel iyo waliba mulkiilayaasha warshadan Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Dacarbudhuq.

Agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka Maxamad Cilmi Xuseen oo isagu ugu horeyn halkaas hadal ka jeediyay ayaa warbaahinta uga warbixiyay wixii ay ku soo arkeen xarumaha warshadaha Hargaha iyo Saamaha waxaanu yidhi “Runtii waxaanu ku soo aragnay, in keydka suntan la dhigaayay ay aad u dayacnaayeen oo aanay sidii loogu talo galay aan loo daryeelin oo aan si fiican loo xafidin oo suntiina meelaha qaar ay iskaba taal taalay, oo hadii ay warshada gudaheeda tahay iyo haday dibadeeda tahayba, markaa waxanu ka soo saaray lixd qodob”

Agaasimaha wasaaradda deegaanku mudane Maxamad Cilmi ayaa warbaahinta u akhriyay lixda qodob ee ay ka soo saareen arinka warshadaha Hargaha iyo Samaaha ee Dacar-budhuq waxaanu yidhi “1.Qodobka koowaad waa in la nadiifiyaa dhammaan sunta baahday, loona sameeyaa keyd, hadday warshada gudaheeda tahay iyo hadday dibadeeda tahay-ba, dhammaana la sameeyo agabkii loo baahnaa ee suntaa lagu xafidi lahaa.

  1. in dayr lagu xidho, meelaha lagu soo qubo ee dhulka ay warshadu ka dhisan tahay, si dadka iyo duunyadaba looga ilaaliyo.lana aaso suntaas,
  2. in baadhitaan lagu sameeyo oo la ogaado, waxyeeladii caafimaad dhaqan dhaqaale iyo deegaanbaa, iyada oo khuburro arrintan cilmi u leh lala kaashanayo, oo wasaaradaha ay khuseysaa ay diyaarin doonaan
  3. in baadhitaan lagu sameeyo, biyaha hoose inta ay suntu gaadhay,in si mug iyo miisaanle loo baadho baadhitaanka ka soo baxana lagu dhaqmo.
  4. in shub adag oo aanay suntu ka gudbi Karin laga sameeyo goobaha qashinka iyo suntan warshada lagu shubayo, si aanay biyaha hoose u gaadhin sababtoo ah labada warshadoodba waxaa ay ku yaalaan dooxa

6 waxaanu dadweynaha deegaanka u sheegaynaa in ay wasaaradaha ay khuseysaa ay u xil saaran yihiin arrintan, hadday caafimaadka ka hadlayaana ay ka hawl-gasho wasaarada caafimaadku, hadday warshadaha ka hadlayaana  wasaaradda warshaduhu gasho.”

Wasiirka warshaha Somaliland Mudane Shucayb Maxamad Muuse oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in wadanku u baahan yahay warshado, laakiin loo baahan yahay in la ilaaliyo wixii deegaanka dhibaato ku keenaya waxaanu yidhi  “Wadanku maanta waxaa uu u baahan yahay warshado , oo wadamada caalamka ee horumaray waxa ay ku horumareen waa dhanka warshadaha, innaga oo u baahan in wadanka warshado laga sameeyo, oo warshadaha la horumariyo oo la tayeeyo oo dhaqaalihii kor u kacayo oo shaqa abuur ay sameynayso, haddana waxaa loo baahan yahay inaynu ilaalino caafimaadka, iyo deegaanka iyo nidaamkiisa.”

Wasiirka deegaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday in ay isla garteen mulkiilayaasha warshadaha leh in ay wax ka qabtaan wixii ay meeshaasi ku soo arkeen markii ay kormeerka soo sameeyeen waxaanay tidhi “Waxay noqotay inaanu baadhitaan ugu tagnay, wixii aanu soo aragnayna waxaanu jeclaanay dhab ahaantii inaanu soo aragno oo aanu la qeybsano, madaxdii markaa dhulkaas warshadaha ku laheyd, markaanu la qeybsanayna waxaanu isla gaadhnay inay wax ka qabtaan waxaa aanu annagu soo aragnay, waxaanu isla qaadanay in khabiirro laga keeno, banaanka oo labadayada wasaaradoodba aanu ku dedaalo, in iyagana wixii halkaa ka soo baxa nidaamka caalamiga ah ee lagu shaqeeyo inay iyaguna ka shaqeeyaan.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews