berberatoday.com
Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-Ka-Saarka Somaliland Oo Dhuumasho Dhabarku Muuqdo Ku Dhex Fadhiistay Shirkii Xukuumaddu Qaadacday Ee Turkiga
February 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda abaabul-ka-saarka qaranka ee NDC, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad rugta ganacsiga Somaliland Md Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa dhabar-jabkii ugu horreeyey uhorseeday ee cadowga Somaliland soo abaabulay dusha kusoo xambaaray, kadib markii uu si qarsoodi ah uga qaybgalay shirka heerka sare ee Somalia iyo Beesha caalamka ee bahwadaagta la ahi ku qabsadeen xarunta dalka Turkiga ee Istanbul.

jamal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jamaal Caydiid oo sida aanu xogta ku helnay sii kaxaystay tiro ganacsato ah oo khiyaamo iyo qarsoodi dalka kaga baxay gaadhay dalka Turkiga, waxana ay xubno ka noqdeen shirkaas ka dhanka ah qarannimada iyo goonni isu taagga, kaas oo xataa xukuumaddu si cad uga hortimi ka qaybgalkiisa iyo fadhiisigiisaba.

Wararaka aanu hayno ee ku saabsan dibin-daabyada guddoomiye Jamaal horseedka ka yahay ee qaranimada lagu soo qaaday, ayaa waxa ay sheegayaan in xubnahaas koobani markii hore qoondaysteen inay shirka fadhiistaan, isla-markaana wada xaajood qarsoodi la yeesheen xubnihii shirka abaabulayey, balse markii ay waji gabax kala kulmeen nidaamkii shirka loo waday, ayaa qaylo miciinsadeen, isla-markaana daliil ka dhigteen in ajandihii lagula hesheeyey wax badan laga beddelay.

Waxa guddoomiye Jamaal oo markii uu safarka u baxayey xaalad caafimaad sheegtay uu haatan ku sugan yahay dalka Turkiga, waxana xogo aanu helaynaa sheegayaan in saluug dartii uu shirkii uga baxay, isla-markaana isaga koox tiro yar oo uu wataa qorshaynayaan sidii ay halkaas uga soo socdaali lahaayeen. Masuulkan ku dhiirraday inuu si badheedh ah udhex fadhiisto shirka ka dhanka ah qarannimada Somaliland, isla-markaana ay si cad u qaadacday xukuumadda uu katirsan yahay, Ayaan wali laga haynin wax cudur-daar ah, waxase la filayaa inay dhawaan caddaan doonto tallaabada ay xukuumaddu ka qaadaysaa.

Xukuumadda oo iyadu bulshada masuul uga ah shirarka noocan oo kale ah, ayaa iyadu  ganafka ku dhufatay shirkaas, waxana ay ku tilmaantay mid aanay Somaliland dani ugu jirin, isla-markaana ka dhan ah masiirka iyo rabitaanka shacabka reer Somaliland. Tallaabada uu masuulkan rugta ganacsiga katirsani ugu dhiirraday inuu qarsoodi shir noocaas oo kale ah kaga qaybgalo, ayaa sidoo kale su’aal gelinaysa hufnaanta shaqo iyo waliba aaminaadda ay shacabku ku qabi karaan rugta ganacsiga uu xubinta ka yahay oo ku andacoota inay arrimaha danta ganacsatada u heellan tahay.

Indhaha shacabka ayaa si weyn u haya go’aanka ay xukuumaddu ka qaaddo masuulkan xilka u haya ee sida qarsoodiga ah shirkaas uga qaybgalay, kaas oo loo arko inuu khiyaamo qaran ku kacay, maadaama uu rabitaanka shacabka ka horyimi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews