berberatoday.com
Xildhibaan Bashiir Tukale Oo Magacaabista Guddiga Ictiraaf Raadinta Ku Tilmaamay Saambuse Laga Adimay
February 25, 2016 - Written by Berbera Today

Bashiir TukaaleHargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ayaa sheegay inay Xukuumaddani ku fashilantay siyaasadii arimaha dibadda, waxaanu sidoo kale ka hadlay Guddidii uu Madaxweynuhu u magacaabay aqoonsi raadinta Somaliland.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Siyaasadii arimaha  dibadda isbedel ayaa ku yimid, tan iyo markii ay Xukuumaddani taladda dalka la wareegtay, waxaana cad inay ku fashilantay oo waxay meesha ka saartay xidhiidhkii iyo macaamilkii ay Somaliland la lahayd Wadamada Caalamka”.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey Guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay aqoonsi raadinta Somaliland ayaa yidhi “Madaxweynuhu markii ugu horeeysay ee uu ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee hore Guddidan muu magacaabin, sannadkii labaad muu magacaabin, sannadkii saddexaad, sannadkii afraad iyo sannadkii shanaad muu magacaabin, waxaana uu Guddidan magacaabay iyada oo Xukuumaddiisu muddo xilkeedkeedu gabaabsi ku dhaw yahay, oo sannadkii ugu dambeeyey ku jirta, markaas anigu waxa aan u arkaa Guddidani inay la mid tahay sanbuuse laga eedamay.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews