berberatoday.com
Dadka Soo Jeeda Qoomiyada Oromada Ee Sida Sharcidarada Ah Ulugeeya Wadooyinka Isku Xidha Gobolada Somaliland Oo Dhaqan Cusub Bilaabay Iyo Halista Ka Dhalan Karta
February 26, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Dadka tahriiba Qowmiyada Oramada loo yaqaan kana soo jeeda dalka Itoobiya isla markaana sida is daba jooga ah u lugeeye wadooyinka Somaliland siiba laamiga  isku xidha Magaalooyinka wajaale ilaa laas caanood ayaa lasoo baxay dabeecado cusub oo khatar ku ah amniga gaadiidka iyo dadka isaga goosha Magaalooyinka Somaliland waxaanay dadkaasi  hada bilaabeen inay kusoo boodaan Gaadiidka laamiga haya isuna dhigaan,Tirada dhabta ah ee hada sababtaas u dhimatay ee ay shebekada Wararka ee Berberatoday.com Helayso ayaa sheegaya in ilaa laba dhacdo ay ka dhaceen agagaarka Magaalooyinka Wajaale iyo Berbera,isla markaana dhamaadkii sanadkii Hore mid ka mid ah dadka lugeeya ee Oromada ahi uu kusoo booday Gaadhi Jaad  sida oo Maraayay duleedka Magaalada Wajaale kuna naf baxay halkaas kadib markii uu baabuurkaas jiidhay, halka midkale oo tahriibayaaashaasi ka mid ahi isla shalay Duleedka Magaalada Berbera kusoobooday Gaadhi bas ah oo ay saaranyihiin dad  rakaab ah oo Tiro badan  ayna leedahay Shirkada Socdaalka ee Bari iyo Galbeed halkaasna uu ruuxaasi tahriibaha ahi ku naf waayay,halka ay khatar galeen dadkii rakaabka ahaa ee baska saarnaa ,ilaa hada  Maydkaasi ayaa wali yaala Cisbitaalka magaalada Berbera.

Dhacdadan ayaa ha mid halis ku ah isu Socodka Gaadiidka iyo dadka waxaanay keeni kartaa inay ku naf waayaan dad socoto ah marka si kadis ah wadada uu ugaga soo boodo qof naftiisa Biimaynayaa,halka aanay wali wax war ah kasoo saarin Hay,adaha amaanka ee arintani ku shaqada lehi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews