berberatoday.com
Ma Runbaa In Dib Udhaca Doorashada Somaliland La Xidhiidho Doorashada Federaalka Somaliya?
February 26, 2016 - Written by Berbera Today

Simon-doorashada-Somaliland-Federaal
Suxufi Simon Allison oo ka qeyb qaatay barnaamijka News Makers oo lagu falanqeenayey xaalada siyaasadeed iyo doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta, ayaa sheegay in Diblumaasiyiin reer Galbeed ah u xaqiijiyeen in ay ku cadaadiyeen Somaliland inay dib u dhigto Doorashadooda si looga soo hormariyo Doorashada Federaalka Soomaaliya.

Barnaamijka News Makers oo ka baxay telefishinka TRT ayaa looga hadlay doorashooyinka soo socda iyo waliba xoogaga shisheeye iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku sugan ee saameyn ku yeelan kara doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacdo wadanka.

Halkan ka daawo Simon Allison oo ka hadlay doorashooyinka Somaliland iyo Federaalka

Horey ayey u jirtay tuhuno ay qabeen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Mucaaridka Somaliland oo sheegayey in sababta doorashada Somaliland dib loogu dhigay ay la xidhiidho doorashada la filayo inay ka dhacdo dhinaca Federaalka Soomaaliya ama dawlada xamar dhamaadka sanadka.

Dalalka Deeqda Siiya Soomaaliya ama Beesha Caalamka ayaa marar badan Hargeysa u tagay arrimaha la xadhidha Doorashada, iyadoo doorashadii Somaliland dib loogu dhigay illaa sanadka 2017.

Dhinaca kalena Beesha Caalamka waxay cadaadis xoogleh ku saartay Dowlada Federaalka ee Muqdisho inaysan xilka kororsan isla markaana aan dib loo dhigin doorashada la qorsheeyey inay dhacdo dhamaadka Sanadkan 2016.

Arrintan ayaa muujineysa awooda ay Beesha Caalamka u adeegsaneyso maamulada ka jira Soomaaliya iyo sida ay dooneyso inay isugu wado dhamaan maamulada kala duwan ee Soomaalida, taasi oo caqabad ku ah rajadii Somaliland ka qabtay inay mustaqbalka hesho ictiraaf caalami ah.

Dalalka waaweyn ee caalamka ayaa sidoo kale sanadihii lasoo dhaafay bilaabay inay dib usoo magacaabaan Safiiradii u fadhiyey Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood dib u furtay safaaradihii ay ku lahaayeen caasimada Muqdisho.

Waxaase weli la isweydiinayaa sida looga gudbi doono caqabada hortaagan doorashada Federaalka oo ay kamid tahay Puntland oo qaadacday nidaamka 4.5 oo ay soo jeediyeen hogaanka Federaalka Soomaaliya oo la sheegay inay markale u tartami doonaan xilka Madaxweynaha.

Hoos ka daawo Barnaamijka TRT ee lagu falanqeenayey xaalada wadanka Soomaaliya oo dhameystiran

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews