berberatoday.com
AWDAL: Warbixin Soo Bandhigtay Xaaladda Haween Nolosha Qoysaskooda Ku Debbara Kuulinimo, Lacagta Ay Ku Shaqeeyaan Maalintii Iyo Waxa Ku Kelifay”Akhriso Muuqalna Ku Daawo
February 27, 2016 - Written by Berbera Today

“25 sano ayaan kuuli ka shaqeynayay, Mudadaasina Odeygeygu Dhakhtarbuu yaalay.”Hooyo ku nool Boorama

Boorama(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Hooyooyinka ku nool Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, ayaa ku shaqeeya xirfado  adag, kadib markii ay la soo derseen Duruufo nololeed oo qalafsan iyo Ragga badhkood oo gabay doorkii ay ku lahaayeen nolosha Qoysaskooda, taasi horseedday in Haweenku dibadda uga soo baxaan Guryaha.

Haweenka Reer Boorama ee danyarta ah, ayaa ka shaqeeya dhismayaasha dhaadheer iyo kuwa caadiga ah ee laga dhiso Magaalada Boorama, iyagoo ku shaqeynaya Xirfadaha kala ah Wastaadnimo iyo Kuuliga, iyaga oo doonaya in dhaqaalaha yar ee ka soo gela ay Ubadkooda ku korsadaan.

Hooyooyinkan oo Noloshu aad ugu adag tahay, ayaa qaarkood waxay duruufta ku keliftay inay shaqada adag qabtaan ku dhaliilaan Ragga oo ay sheegayaan inay ka soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaayeen Qoysaska, halka Haween kale oo qabta Shaqada Kuulinimadu tilmaameen arrin ka duwan taa hore.

Haweenay Sheegtay inay ahayd Qofkii Dumar ah ee ugu horeysay ee ku shaqeysa Kuulinimo, ayaa Warfidiyeenka uga warantay waxay ku kellifay inay Shaqada adag u badheedho, waxayna tidhi, “Annigaa ugu horeeyay Dumar ka shaqeeya Shaqadan (Kuuliga), shan iyo labaatan sano ayaan kuuli ka shaqeynayay, intaasi aan shaqeynayay odeygaygii waa bukaan oo dhakhtar buu yaallaa, Wiilkaygu imikuu dugsiga fasalkii Sagaalaad ayuu dhameynayaa, Kuuli baan ku koriyay.”

Aamina Cismaan oo iyaduna ka mid ah Haweenka Reer Boorama ee ku shaqeysta Kuulinimada, ayaa sheegtay in waxa Shaqadan ku kelifay tahay duruuf nololeed oo adag, laakiin Dadka Soomaalidu aanay naxariis u muujin, “Dadka Soomaaliyeed ee imika nool malaha wax laga faa’iido, Waayo?  haddaanu Bilis nahay waxaa halkaasi na keenay waa dhib weyn oo aad u culus, Dawladda iyo dadweynuhu waxay nala qabtaana ma jirto.” Ayay si Qiiro leh u tidhi, waxayna intaa ku dartay inay Maalin oo dhan ku shaqeeyaan Qadar lacag ah oo ka yar 10 dollar, “..$ 7 dollar ayaanu Maalintii oo dhan ku daalnaa, dhabarkana kaga jabnaa, Raggana ku dhex foor-foorarsanaa.”

Tan iyo markii lagu soo noqday Dalka Somaliland, waxa kaalintii Raggu ku lahaayeen Nolosha Qoysaskooda dusha u ritay Haweenka, waxaana Xirfadaha Haweenku kula tacaalaan Nolosha Ubadkooda ugu weyn iibinta Qaadka, Khudradda, Dharka, Hilibka, Dhuxusha iyo wixii kale ee soo raaca, laakiin waxa Somaliland, gaar ahaan Magaalada Boorama ku cusub in Haweenku ku shaqeeyaan Kuuli iyo Wastaadnimo oo hore Ragga u gaar ahayd, maaddaama oo ay tahay shaqo Adag.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Haweenka Ku Shaqeysta shaqada Adag Ee Kuuliga Dhisa Guryaha

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews