berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Tacsi U Diray Dadkii Ku Dhintey Shilkii Naxdinta Lahaa EeMaanta Ka Dhacey Duleedka Magaalada Gabilay
February 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayaa Shilka naxdinta leh ee maanta ka dhacay inta u dhaxay Gabiley iyo Kalabaydh, shilkaas oo sababay 14 Dhimasho ah, iyo 9 qof oo dhawac ah ka dib markii ay isku dhaceen laba Baabuur oo midna land cruiser yahay midna NOAH, kuwaas oo siday dad shicib ah.

Siilaanyo

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyadaynayaa isagoo ka tiiraanyeysan Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaanu Alle uga baryay inta dhaawaca ah inuu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay. Waxaanu amray in la xoojiyo baadhista sida shilku u dhacay, lana badiyo Gurmadka adeega caafimaad ee shilkaas.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews