berberatoday.com
Muqdisho: Al-shabaab oo Qaraxyo ku Weerartay Caawa Huteel ka soo horjeeda Madaxtooyada Somaliya
February 27, 2016 - Written by Berbera Today

weerarkaMuqdisho(Berberatoday.com)-Qarax aad u culus ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa Madaxtooyada Hotel SYL . Qaraxan ayaa ahaa mid aad u xooggan oo noociisa oo kale aan horey Muqdisho uga dhicin.

Weerarka ayaa dhacay maanta oo Jicme ah Salaadii Makhrib kadib.

Qaraxa kowaad ayaa sababey in ay soo dumaan guryo badan oo laamiga ku yaaley gaar ahaan halkii la odhan jirey Ex-Fiyoora. Dad badan ayaa la aaminsan yahay in ay ku jiraan bur-burka dhismayaasha, xilliga oo habeen ah ayaa weli waxaa socda

Muddo 40 daqiiqo ah kadib qaraxii kowaad ayaa mar kale la maqley qarax kale oo culus, kaas oo la sheegay in uu ka dhacay Beerta Nabadda (Peace garden) oo loo nasasho tago maanta oo kale oo Jicme ah. gaariga qaraxan ka dhashey ayaa la sheegayaa in uu yaaley Parkin ku dhaw Maqaaxi la yidhaahdo Muna.

Weerarka beerta nabadda ayaa la sheegayaa in qorshaha al-Shabaab ahaa in ciidamada SYL ilaalinaya in ay so saaraan si ay u qabsadaan Hotelka.

Hay’adda sirdoonka Dowladda ee NISA ayaa dadka uga digtey in ay u dhawaadaan gawaadhida yaala Baarkinka beerta Nabadda, kuwaas oo al-Shabaab loo badinayo qaarkood in ay ku xidheen Bom.

NISA waxay sheegtey in  ay dileen afar nin oo ahaa kuwii weerarka labaad ee beerta Nabadda ka qayb qaatey, hay’adda sirdoonka ee NISA  ayaa sheegtey in ay weerarka ku waayeen laba askeri oo ciidankooda ka mid ahaa, kadib markii weerarka u horeeyey qabsadey meel Isbaaro ah oo NISA joogtey.Inta la og yahay ilaa hadda ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyoodey, Isbitaalka Madiina waxaa la gaadhsiiyey dad aad u badan oo ku dhaawacmey weerarka

Al-Shabab ayaa sheegtey in ay weerarka inay ka danbeeyeen, waxaana ay sheegteen Malayshiyaad ka tirsan in ay gudaha u galeen Hotel SYL.

peace-garden

Beerta nabadda waa meel soo jiidata dadka Soomaaliyeed

Wararku waxay sheegayaan in Hotel SYL oo ay caan ku yihiin in ay degaan Siyaasiyiintu laga soo badbaadiyey Xildhibaano, Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda iyo Guddoomiyaal gobol.

Waa weerarkii labaad ee ay alshabaab ku qaado magaalada Muqdisho labadii maalmood ee udanbeeyay.

Weerarkan waxaa ka horeeyey maalintii shalay goor barqo ah oo al-Shabaab ay Hoobiyaal ku weerareen xarunta Villa Soomaaliya, kuwaas oo badankood ku dhacay guryo ku dhaw Madaxtooyada, waxaana ku nafwaayey 6 qof.

Weeraradan ayaa dhamaantood ku beegmaya xilii Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Afhayeenkii Baarlmaankuba ay dalka ka maqan yihiin

 

 

Xigasho Horseedmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews