berberatoday.com
“Madaxweynuhu Inuu Tanaasulaa Waajib Bay Ahayd, Waxyaabo Badana Waxa Ay U Dhacayaan Madaxweynaha Oon Doorkiisii Si Buuxda U Ciyaari Karayn” Xildhibaan Rayte
February 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo iyo hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in tanaasulka Madaxweynuhu ay dan iyo waajib ahayd waxaanu tilmaamay in aanu Madaxweynuhu awoodi karaynin inuu Doorasho galo.

rayte

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada ee Golaha Wakiilada ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu kaga hadlay safar ku saabsan xeerka Doorashada ee Wakiilada, oo ay ku marayaan Gobolada dalka, waxaanu Xisbiyada ugu baaqay in wixii dan ah laga wada shaqeeyo, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku saabsan Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Guddida uu Madaxweynuhu u magacabay Ictiraaf raadinta, Diiwaangelinta iyo qodobo kale, waxaanu yidhi ugu horeyn isaga oo ka hadlay Safarkooda “Safarkaygan waxa aanu ku doonaynaa in aanu ku soo marno Gobolada dalka oo dhan, oo aanu soo wareysano dadka degan deegamada kala duwan ee dalka, oo aanu ka soo wareysano dareenka ay ka qabaan Golaha Wakiilada iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo qaybsan karo kuraasta Golaha Wakiilada iyo cid waliba waxa ay tabayso iyo danaha ay sheeganayso, xeerkani toban sanno ayuu habsamay, Doorashadii hore ee Golaha Wakiilada 2005-tii waxa lagu qabtay xeerkan oo qabyo ah, waxa heshiisku ahaa in la dhamaystiro inta ka horeeysay qabyada xeerkan, oo ay ugu weyn tahay arimaha saami qaybsiga, waxa uu ku xidhnaa in la sameeyo tirikoob, hawlihii xeerkani u baahnaa toban sanno waxba lagama qaban, waana hawl siyaasiya, Guddida iyo Barlamaanka oo qudhi kuma filna, xeerkani waa xeerarka ugu muhiimsan ee dalka, waa xeerkii lagu dhisaayey Barlamaanka, waa xeerkii midnimada u noqonayey reer Somaliland iyo deegaanada dalka oo dhan, waa xeer aan xisbiyeysayn oo aan xisbi gaar u ahayn, oo xeer loo baahan yahay in si buuxda looga wada qayb qaato oo looga wada shaqeeyo,sida ugu wanaagsan ee heshiis looga gaadhi karnaa looga gaadho, hormoodna ay ka wada noqdaan Saddexda Xisbi, inay tartamaan oo qudha maaha saddexda Xisbi ee inay wada shaqeeyaan weeye, tartanku waa mar;  inta kale waa dhismihii, dawladnimadii  iyo dimuqraadiyadii ayaa laga wada shaqaynayaa, markaas maaha inay tartanka iyo xifaaltanka xoojiyaan ee waa inay helaan qaabkii ay niyad sami ugu wada shaqeeyn lahaayeen, Xukuumadda iyo Barlamaankuna waa sidaas oo kale oo wey wada xisaabtamaan, oo waa la isku daray, oo sharciga ayaa isku daray, Xukuumaddu waxa ay jeceshay in ka baxsato la xisaabtanka Barlamaanka, laakiin waxa jira hawl intaas ka weyn oo u baahan inay ka wada shaqeeyaan Xukuumadda, Guurtida, Barlamaanka, Xisbiyada iyo Shacabka, haddii aan la helin wada shaqeeyntaas buxdana xeerkan natiijadiisu uu adkaanaya”.

Xildhibaan Rayte mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha dibada ee dalka yidhi “Dibadda markasta oo aan arko waan la kulmaa madaxda wadamada aan tago, gaar ahaan madaxda u qaabilsan arrimaha dibadda, boqolkiiba sideetan (80%), ayey Siyaasadii Arrimaha dibaddu hoos u dhacday, intii Xukuumadda Siillaanyo joogtay; waayo  saddex sababood ayey hoos ugu dhacday, ta kowaad Xukuumaddani  xidhiidhkii bulshada iyo qurba joogii Somaliland ee abaabulnaa, ee dadaalayey ee qadiyada Somaliland uga ololeeynayey way lumisay, way kala furfurtay, Siyaasad xisbiyeysan oo qabyaaladaysan ayey dhex dhigtay, weyna shaqayn kari waayeen, aadna wey u niyad jabsan yihiin dadkii qurba jooga ahaa, ta labaad shaqadii caadiga ahayd ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda gabigeediiba wey joogsatay, dad badan oo aanu la kulnay oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Barlamaanka Ingiriiska, Xildhibaan Barlamaanka Yurub iyo ururo badan oo kale intaba waxa nooga muuqatay in wax macluumad ah oo hagaagsan aanay ka haynin Somaliland, oo aanay Xukuumaddana xidhiidh toos ah la lahayn, arinta saddexaad waa arinta wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga, wada hadalkaasi muu midho dhalin, albaabadii wada furnaana wuu xidhmay, marka run ahaan loo wada hadlana cid waliba waxay ku odhanaysaa wada hadal Somaliland iyo Somaliya ayaa jiree aanu ka war sugno, markaas qadiyadii aqoonsiga Somaliland oodan ayey gashay”.

Xildhibaan Rayte ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay Ictiraaf raadinta Somaliland ayaa ku jawabay “”Waxa aan maalin dhawayd arkaayey Guddi Ictiraaf raadin ah ayaa la sameeyey, waa jaahilnimada weyn ee dawladnimada marka laga hadlaayo, Guddi icitaaraf raadin la yidhaahdo ma jirto, Dawladda gabigeeda ayaa u dhisan ictaarif raadinta, haddii ay iyadu cid la shaqeeynayso ama ay cid adeegsanayso, waa inay isku xidhaa cidda ay is leedahay wax bay ku tarayaan laakiin Guddi labaatan qof oo midba meel joogo oo qaarkood aan la garaynin inay qadiyada Somaliland aaminsan yihiin iyo in kale oo la iska qortay, laguma talo galin siyaasad dhab ah ee waxa lagu talagalay markii ay Xukuumaddani aragtay inuu dadku fahansan yahay in Siyaasadii arrimaha dibaddu fashilantay ayey doonaysaa inay dadka ka iibiso Ictiraaf ayaanu raadinaynaa, Dawladdani ictiraaf uma jeedo, rajadii ictiraafkana wey dumisay”.

Xildhibaan Rayte ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa waxa uu yidhi “Diiwaangelintu waxay ahayd in Sannad iyo badh ka hor dhacdo, lacagtana diyaar ayaa la inoola ahaa ee waxa hortaagnaa Xukuumadda oo masuul ka ahayd, haddii ay bilaamatayna waa illaahay mahadii, waxaana rajaynayaa in aanay Xukuumaddu carqaladayn, labada Gobol ee ay ka dhacdayna si fiican ayey uga dhacday, waxayna Diiwaangelintu soo dhaweeynaysaa Doorashadii”

Xildhibaan Rayte ayaa mar aanu wax ka weydiinay Isbahaysiga Kulmiye iyo fariinta uu u dirayo ayaa ku jawaabay “Isbahaysigu waa niman siyaasiyiin ah, kolayba Xisbi bay galayaan, labada Xisbi ee Mucaaradka ah ayey mid galayaan,waxaanan filayaa inay yihiin niman xisaabtamaya oo halka ay is leeyihiin wax baad ka tari kartaan ama aad ku kordhin kartaan ayey galayaan hadba Xisbiga ay galaana cod iyo awood ayey ku soo kordhinayaan,waa dad magaca leh, waa dad misaan leh, waa dad shacab iyo taageero badan wata”

Xildhibaan Rayte ayaa mar aanu weydiinay aragtidiisa ku waajahan tanaasulka Madaxweynaha ee murashaxnimada xisbiga KULMIYE  ayaa ku jawaabay “Madaxweynuhu inuu tanaasulaa waajib bay ahayd, waayo Doorasho muu gali karaynin, waa xaqiiqo taala, imika ayey la ciir ciirayaan hoggaamintiisi, oo dalku la ciir ciirayaa, waxyaabo badana waxa ay u dhacayaan Madaxweynaha oo doorkiisi si buuxda aan u ciyaari karaynin, markaas inuu tanaasula waajib ayey ahayd inuu go’aankaas qaatana waan ku bogaadinayaa, go’aan sax ah ayaanu ahaa.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews