berberatoday.com
Sidee Doorashadii Waddanka Ugandha Udhacday Maxaa Dhacay Wax Isdaba Marintii Iyo Tacadigii Muwaadiniinta Daawo Sawirada
February 29, 2016 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)Bishii labaad ee sanadkan 2016 ayaa loo dareeray doorasho ku sheeg waddanka Ugandha waxaa isla markiiba xabsiga la dhigay murashaxii uGu tunka weynaa ee Kizza Besigye waxaa isla markiiba sanaaduuqdii cododka ku shubtay duqa mudada dheer hayey talada wadanka ee Yoweri Museveni , waxaa dadkii lagala daalay suntan dadka kaga ilmaysiisa rasaas nool laad iyo feedh intaba waa laysugu daray waxaa u dheeraa xadhiga jeelasha wadanka ee nadaafadoodu aadka u liidato laysugu geeyey bal hadaba dheeho sida xaaladu maalintaa ahayd.
Dad weynaha taageerayay murashaxa kula loolamayey madaxweynaha ayaa xaruntiisii dhexe ee laga codayn lahaa Police ku xidheen iyadoo dadweynihiina ooda soo jebiyeen waxaa halkaa ka dhacay tacadi weyn xabsiga ayaa buux dhaafay
Muwaadiniintii ayaa jeelka lagu sii wadaa ragg iyo dumar iyadoon loo aabo yeelin waxaa biyo lagu shubayaa dadkii ay wax yeeshay suntan dadka kaga ilmaysiisaa waxaa halkaa ka dhacday kabtay meeday iyo aabahay goblin
Dadka gadooday ayaa taayiro ku gubay wadooyinkii gaadiidka iyo daku marayeen iyadoo police ku caydhsanaayo waxaa halkaa ka soo jeeda nin jeel ku jira oo askari dharcad ahi illaalinayo jeelasha ayaa ah kuwo dadku darxumo la dac daraysan yihiin
Waxaa gaadhigaa lagu sidaa murashaxii mucaaradka uGu tunka weynaa  Kizza Besigye tirobana waa markii sadexaad ee isla usbuuc gudahii la xidho waxaana halkaa iska helay ciidamada police ka iyo dadweyne aad u cadhaysan
Dhegta ayaa idaacada lagu hayaa cida la sheego in ay guulaysatay iyo beenta dawladu sheegto waxaa loo nacay dhagxaan wadooyinkii si aan gawaadhida police ku hawl yari uGu soo marin
Nin ka mid ah muwaadiniintii murashaxa mucaaridka ah oo police ku qabteen halkaa guntigana ka buuxsadeen waxaa dadkii oo safaf dhaadheer ku jira murashaxuna quluubta dadka kasbaday mar keliya lagu bilaabay rasaas suntan dadka kaga ilmaysiisa
Shaqaalaha goob laga codaynaayo oo ku taala tuulo la yidhaahdo Kisugu village ayaa waxay ku shaqaynayaa laydhka tellphone iyagoo sugaya wax goor danbe socod ah, dhinaca kale madaweyne yuweri ayaa warbaahinta la hadlay goob codeeyneed oo uu si fiican uGu shubtay magaalo dhinaca galbeedka ku taala oo la yidhaahdo Kirihura
Waxaa sanaaduuqdii loogu codeeyey murashax mucaaradka ah tuulo la yidhaahdo Rukungiri sanaaduuqdii si badheedh ah ula wareegay ciidanka uguna shubay madaxweynaha waxay safkaa u fadhiyaan in aanay cod siin madaxweynaha 30 sanno soo hortaagan oo dadku wadna qabad ku noqday mudada dheer is bedela u baahan
Ciidanka police ka ayaa xoog ku qaadayey sanduuqii la buuxiyaba waxayna dadkii sida idiin muuqata qabteen askari sanduuq sida oo dadkii qabteen meel uu u baxaana aanay jirin naftiisuna halis ku jirto dadweynaha ayaa doorasho xora oo xalaala u soo kacay waa sidii loogu sheegaye safaf dhaadheerna ku jiray balse xaaladu is bedeshay
Muwaadiniinta ayaa loo sheegayaa dadka loo codaynaayo iyo murashaxiinta magaxyadooda qaarkood ayaa u qaadan waayey madaxweynahaa ku jira dadka la dooranayo tuulooyinka ayaa sanduuqyo gidaarada loo dhigay si sahlana dawladu u qaadanaysay
Meelaha qaarkood ayaa sanaaduuqda lagala soo habsaamay si dadku u daalaan hadhowna loo qaato codkooda tuulooyinka ayaa sanaaduuq la dhigay waxaana keensatay dawlada waxaa meesha ka dhacay ku shubasho dadka indhaha loo jeexay oo xoog lagu muquuniyey
Qabiilka  Karamojong ee reer miyiga ah oo u dhow magaalada kaabong ee gobolka Karamoja ayaa safaf dhaadheer ku jira waxaana isu soo urursiay dawlada si codkooda loo meel marsado halka mucaaradka loo diiday gobolada iyo tuulooyinka badidooda
Aan ku soo gebo gebayno Uganda u dareertay codayntii madaxweyne iyo baarlamaanka maxay ka korodhsatay ma dimiqeaadiyad iyo cod xalaala mise digtaatooriyad iyo jujuub xoog iyo xabad waxaa la yidhi hal booliyi nirig xalaala ma dhasho kursi jacay kaga quuso Madaxweyne Yoweri Museveni oo 45 years waxaa uu qabsaday xukunka 1971
Eng Abdirazak yassin xaji maxamed
Nashville Tn

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews