berberatoday.com
Daraasad Maraykanku Sameeyay Oo Lagu Sheegay In Maado Ku Jirta Muusku Ilowga Ka Yarayso Maskaxda
March 1, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Haddii aad ka mid tahay dadka markay toosaan ilaawa, riyadii xalay soo martay, waxa suura gal ah in dhakhaatiirtu kugula taliyaan, qaadashada Vitamin-ka (B6) loo yaqaan, fitamiinkaasi waxa uu kaa caawin karaa dib u xusuusashada riyada aad ilawdo marka hurdada aad ka kacdo

Muuska

Haddaba sida lagu xusay daraasad Maraykanku sameeyay ama idhaahdo cilmi baadhis ay sameeyeen xeeldheerayaal caafimaad oo ka tirsan, “Mayo Clinic” of America, waxa lagu ogaaday in helista jidhku helo fiitamiinkaasi kaliya aanay maskaxda ka caawin uun xusuusta riyooyinka hurdada ku soo mara, balse uu awood dheeraad ah u leeyahay in uu dib kuu xasuusiyo dhamaan riyooyinkii ku soo maray hurdadii kuugu danbaysay, waayo? Waxa ay cilmi baadhistani xustay in qofku habeenkii ugu yaraan lix jeer riyoodo haddii uu hurdo fiican seexdo, isaga oo aan jidhkiisa wax maandooriye ahi ku jirin.

Haddaba riyada oo ah wax maskaxda u fiican isla markaana xasuusteeda marka hurdada laga toosaa, muujinayso caafimaad qabka maskaxda aadamaha, waxa inta ugu badan dadku yihiin kuwo ilaawa, taas oo ka turjumaysa in aanay maskaxdu raaxo badan helin ama aanay fiitamiin ku filan ku soo dhawaan.

Sida cilmi baadhistan oo lagu sameeyay dad xaaladooda nololeed ka fayowdahay, daroogo iyo waxyaabaha dhiiga fir fircoonida galiya, oo ah dhalinyaro aan qaan gaadhin ay muujisay, waxa fiitaminkaas oo dhamaystiran laga heli karaa muuska oo cunistiisa la badsado, taas oo maskaxda ka caawinaysa, nasasho ku filan in ay hesho iyo in ay firfircooni buuxda la soo kacdo.

Sida jariirada Daily Mail oo warbixintan caafimaad lagu daabacay qortay, waxa cilmi baadhistan lagu sameeyay ama ka qayb qaatay boqol arday, kuwaas oo afar goosan loo qaybiyay, qayb ka mid ah waxa la siiyay, Vitaminka (B6) xad ku filan, halka qaybta labaad laga siiyay dareere sareeya oo muus ah, kooxda sadeexaad ayaa iyagana la siiyay dawo been abuur ah oo aan wax fiitamiin ahi ku jirin, sidoo kale qaybtii afraad ayaa iyagana laga codsaday inay qaataan, waxyaabo fiitamiinkaasi ku jiro, oo laga sameeyay khudrado iyo waxyaabo la aaminsanaa markii hore in fiitamiinkaasi ku badan yahay.

Haddaba afartan kooxood waxa natiijadii ka soo baxday muddo shan habeen ah ay noqotay in kuwii, muuska qaatay ay ugu fiicnaadeen isla markaana wax u kordha mooyee aanay hoos u dhac ku iman maskaxdooda.

Daraasado badan ayaa hore u cadeeyay waxtarka wayn iyo faa’iidada ku jirta muuska ee uu u leeyahay caafimaadka, hasa yeeshee waxa ay cilmi baadhistani ku soo kordhisay, hurdada iyo caafimaadka maskaxda oo ay qayb laxaad leh ka qaadato, waxa kale oo ay cadaysay in uu ka hortag u noqdo, dhiig karka, cadaadiska dhiiga, hurdo ka baraaruga neef qabtowga iyo joog joogsiga wareega dhiigu keeno iyo xanuuno badan oo dhamaantood hurdada dadka ku soo mari kara, kuwaas oo ay sababaan, la qabatinka daroogada iyo hawsha cadaadiska badan maskaxda ku yeelata oo qofku ku raago qabashadeeda, sidaa daraadeed waxa ay ku talinaysaa in Muuska oo ah khudrad jaban ama la awoodi karo iibsigeeda la badsado.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews