berberatoday.com
Jamaal Caydiid Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Xilka Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Qaadey
March 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hay’adda NDC Md. Jamaal Caydiid Ibraahi, oo uu Madaxweyne Siilaanyo shalay xilkii ka qaaday, isagoo safar dibadda ah ku maqan, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday.download

Md. Jamaal Caydiid Ibraahim, oo isagoo jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka laga qaaday, islamarkaana uu Madaxweynaha uga mahadcelinayo go’aankaas. “Anigu dalka waan ka maqanahay, anoo maqan ayaana xilka layga qaaday,  markaan imaado ayaan hadalkayga u dhiganayaa, laakiin keliya waxaan idiin sheegayaa inaan Madaxweynaha uga mahadceliyo xilka uu iga qaaday, waayo markii horena isagaa ii dhiibay.” ayuu yidhi Jamaal oo intaas raaciyay, “xumaan iyo ceeb uma arko xilka la iga qaaday, waayo madaxweynuhu isagaa awood distoori ah u leh cidda uu xilka ka qaadayo iyo cidda uu u dhiibayo, markaas markii horena isagaa ii gartay, imikana iga qaaday, waana inoo markaan dalka imaado.” ayuu yidhi Jamaal Caydiid Ibraahim.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa digreeto uu shalay soo saaray uu xilkii kaga qaaday guddoomiye Jamaal Caydiid, waxaanu xilkaas u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi oo hore u ahaan jiray xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa.

Qoraalka uu Madaxweynuhu hawada u mariyay Jamaal Caydiid, wuxuu ku yidhi sidan“Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay  Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews