berberatoday.com
Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani Oo Iska Laabxaadhay Khaladaadkii Ka Dhacay Safaraddoodii Awdal iyo Sellel
March 1, 2016 - Written by Berbera Today

“Labada Xisbi Waxa Ay Isla Garteen In Ay Waajib Tahay In Layska Dhawro Wax Kasta oo Keeni Kara Kala Fogaanshaha Bulsho Weynta.”.Maxamed Nuur Carraale (Duur)

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mas’uuliyiinta ugu sar-sareysa hoggaamiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, ayaa habeen hore kula is laab xaadhasho oo ay ku tirtirayaan khaladaad ka dhex dhacay labada xisbi xilligii ay ku guddo jireen safaraddoodii wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee goballada Awdal iyo Salel, ayaa ka qabsoomay Maqaaxida Hiddo-dhowr oo ku taala magaalada Hargeysa.

Waxaana kulankan ka soo qeyb-galay guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiyaha ahna murashaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, xoghayeyaasha labada xisbi, guddoomiye ku xigeenada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labadaas xisbi qaran.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah, ayaa la isku weydaarsaday siddii ay labada xisbiba u dhowri lahaayeen danta shacabka Somaliland xilliyada lagu guddo jiro kala badsiga taageerada iyo codka shacabka Somaliland, isla mar ahaantaana ay labada xisbiba ka feejignaadaan wixii dhibbaato ku abuuri kara shacabka Somaliland.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland sida oo kalena ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo qoraal kooban ku baahiyey bogga uu ku lee yahay barta Internetka ee facebooga, sida oo kalena goob joog ka ahaa kulankaasi, ayaa ku tilmaamay in kulankani yahay mid muujinaaya qaan-gaadhnimada Somaliland iyo sida ay siyaasiyiintu tudhaalaha ugu lee yihiin danta shacabka Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in kulankani uu yahay mid ka nixinaaya cid wal oo jecel in ay Somaliland ay dhibbaato soo gaadho.

Md.Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo aanu qoraalkaas ka soo xiganay boggiisa Internetka, ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:

“Marka tartan siyaasadeed lagu jiro waxaa la filayaa in lakala fogaado ama fadqalalo dhacdo , Somaliland waxa caawa ii cadaatay inay ka kortay halkaa oo siyaasiyiinteedu hankoodu ka wayn yahay kursiga ama ay eegayaan wada-jirka iyo walaalnimada ummada ay taladeeda u tartamayaan inay tahay lama taabtaan. Hadaba waxaa labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye yeesheen kulan lagaga arrinsanaayo wax xoogaa khaladaad ah oo ka dhacay ololihii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Awdal , labada xisbi mas’uuliyiinta ugu sareeya waxay kulankan ku gooyeen iyadoo tartanka iyo kala badsiga codka shacabka aan waxba laysu reebayn inay waajib tahay in layska dhawro wax kasta oo keeni kara kala fogaanshaha bulsho waynta reer somaliland ama dhaawici kara guud ahaan xasiloonida iyo nabad-gelyada dalka .Arrinkani wuxuu niyad jebin karaa cid kasta oo ku riyoonaysay in nabad-gelyada qarankani mar uun in ay nitaakhdo , waxay sidoo kale dhiirigelinaysaa inta badan ee jecel wanaaga iyo wadajirka reer Somaliland.”.Ayuu Md.Maxamed Nuur Carraale Duur ku yidhi boggiisa facebook.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews