berberatoday.com
Masuuliyiinta Ay Sahayatay Iyo Kuwa Ay Kuraasida Ku Fadhiisisay Digreetada Madaxweynuhu
March 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa magacaabis, isku bedel iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda.

1

Warsaxaafadeed shalay uu madaxtooyada ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada Mr. Shamax, ayaa masuuliyiinta xilka laga qaaday ka mid ah guddoomiyihii hay’adda abaabul ka saaranka qaranka Jamaal Caydiid Ibraahim,  iyadoo xilkiisii loo magacaabay Ibraahim Axmed Raabi. Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo ayaa wakiilka Somaliland ee Itoobiya u magacaabay Danjire Aadan Muuse Jibriil, iyadoo wakiilkii horena laga dhigay wasiirul dawlaha qorshaynta. Guddoomiye-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sidoo kale loo magacaabay Maxamuud Cabdillaahi Xarbi. Warsaxaafadeedka madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-3881/022016 uu magacaabid, isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Xukuumadda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Wakiilkii hore Somaliland u fadhiyey Itoobiya).

MAGACAABIDDA WAKIILKA CUSUB EE ITOOBIYA:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Aaden Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya. 

ISKU BEDELKA AGAASIMEYAASHA GUUD:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In ay hanan karaan xilalkaa loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1.          In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha)

2.       In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( Bedel Agaasimihii Guud ee hoe ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda)

MAGACAABIDDA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagadda Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabidda & Xilka Qaadista Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, xarafka (kh)  ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranku   u leedahay Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka.

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay:                   in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ibraahim Axmed Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku:       Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahim                                                       

            Maareeyihii Hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)

 Mudane, Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay  Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews