berberatoday.com
Wasiir-dawlaha iyo Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhexmaray
March 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in dagaal gacan ka hadal ahi uu dhex maray wasiiru-dawlaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Md.Cabdisalaan Maxamed Xasan iyo sida oo kale agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Md.Maxamed Cali Huuno, ka dib markii ay isku maandhaafeen hawlo la xidhiidha dhinaca maamula mashaariic ay wasaaraddu ka wado deegaano ka mid ah miyiga Somaliland.

Illaa hadda ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhanka labadan mas’uul balse sida ay goob joogayaal lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen ayaa sheegaya in dabayaaqaddii toddobaadkii hore uu labadan mas’uul dagaal ku dhex maray gudaha xarunta wasaaradda deegaanka Somaliland, waxaana sida la sheegay wakhtigaas gacan ka hadalka ku horreeyey agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Md.Maxamed Cali Huuno xilli ay wasiirka wasaaraddaas Marwo Shukri X.Ismaaciil Baandare iyo wasiiru dawlahu ka codsadeen in aanu qaadin tallaabo aanay ka warhaynin oo khusaysa shaqada iyo hawlaha waxqabad ee wasaaraddaasi.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ka dib markii lagu kala guntaday labadan mas’uul ay wasiiradda wasaaraddaasi Marwo Shukri X.Ismaaciil Baandare markiiba dhalliilo xooggan dusha u saartay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, waxaana ay ka codsatay in agaasime Maxamed Cali Huuno uu u hoggaansamo shuruucda iyo qaab dhismeedka maamul ee u yaala wasaaradda isla mar ahaantaana aanu kaligii maroorsan wixii tallo iyo hawl ah ee loo baahan yahay in lagu horumariyo hawlaha wasaaradda deegaanka.

Ugu dambeyntii arrintan ayaa ah mid aan ugub ku ahayn in had iyo jeer uu khilaaf dhinaca maamulka ahi ka dhex yimaada wasiiradda iyo agaasimeyaasha wasaaradaha dalka, waxaana ay markale tallaabadani muujinaysa sida ay wasaaradaha dalku uga aradan yihiin u hoggaansanaanta shuruucda dalka iyo qaab dhismeedka maamul ee wasaaradahooda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews