Xuska Sanad Guurada Koowaad Ee Dilkii Hogaamiyihii Mucaaridka Ruushka Oo Gilgilay Moscow (Daawo)
March 1, 2016 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Kumanaan taageerayaasha mucaaridka dalka Ruushka ah ayaa isu soo bax balaadan oo ay ku xusayaan, sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay dilkii hogaamiyahoodi Boris Nemtsov ku qabtay caasimadda dalka Ruushka ee Moscow.
Hogaamiyihii Mucaaridka Ruushka Boris Nemtsov ayaa toogasho lagu dilay, badhtamaha caasimadda Ruushka ee Moscow, waxaana fuliyay rag hubaysan oo gaadhigoodi ku baxsaday ka dib markii ay khaarajiyeen, ilaa walina lama qaban ragaas, waana ta keentay in mucaaridku ku eedeeyaan madaxweyne Putin inuu ka danbeeyay.