berberatoday.com
Xukuumada Silaanyo Oo Gadoon Galisey Shacabka Gobolka Saaxil+Isgaadhsiinta Oo Hawada Laga Saarey+Dekadda Berbera Oo Albaabada Loo Xidhey
March 2, 2016 - Written by Berbera Today

dekadda-berbera-300x205Berbera(Berberatoday.com)-Xaalada Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa Ilaa 24 Sacadood ee ugu dambeeyey Xukumada Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ay ku soo Rogtey Xaalada Deg-dega,kadib markii maalintii shaley Dabley Hubeysani ay ku dishay Degaanka Biyooley ee Bariga Magaalada Berbera Taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Saaxil Marxuum Gashanle C/risaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr), waxaana Hawada ka baxay dhamaanba Adeega khadka Telephoonada ee ay Bixiyaan Shirkada Telesom iyo Somtel,sidoo kalena waxa gabi ahaanba joogsadey Adeegyada ay dadku lacaga iskugu diraa ee ZAAD iyo E DAHAB, waxaana isku xanibmey dadkii Dukaameysaneyey iyo Meheradihii Alaabada Iibinayey,kuwaasi oo marka hore lacagaha ay ku macaamilaan ay u badnayeen Adeegyada Casriga ah ee ZAAD iyo E DAHAB , kuwaas oo isku xanibey nolosha dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil.

Dekadda Magaalada Berbera oo ah Marinka ugu weyne ee Furdada u ah Dalka Somaliland,islamarkaasina ay ka soo Degaan Badeecadaha kale duwan ee lagu Isticmaalo Dalka iyo  Jaarkaba  ayaa ilaa maanta Alaabada loo Furin, sidoo kalena aan Ganacsatada wax kale soo degtaa aaney Cashuuran Alaabtoodii u Taaley Dekadda Berbera,waxaana ilaa Saaka Aroortii hore Afaafka hore ee Dekadda Berbera dhoobnaa Ciidama Tiro badan oo ka tirsan kuwa Amaanka Somaliland, sidoo kale Xaalada Amaanka Magaalada Berbera ayaa aad loo Adkeeyey iyadoo Ciidamo tiro badan la soo dhoobey suuqyada Magaalada Berbera iyo Wadooyinka isku xidha Magaalooyinka Berbera- Burco – Hargeysa.

Dhinaca kale Shacabka ku dhaqan Magaalada Berbera iyo Guud ahaanba Gobolka Saaxil ayaa iyagu galey xaalada Gadoon ah kuwaasi oo la baxaa degaya Culeyska Xukumada Madaxweyne Silaanyo ay ku soo rogtey,islamarkaasina sababey in aan Maanta Reer Badan oo ku dhaqan magaalada Berbera aan Dabka loo shidin, Caruurtoodiina aaney Iskuulada u Dareerin.

Si kastaba ha ahaatee Xaalada Cakiran ee magaalada Berbera lagu soo rogey ayaa sameynweyn ku keentay Nolosha iyo habsami u socodka Ganacsiga iyo Adeegyada Bulshada ee Shacabaka ku dhaqan Gobolka Saaxil,waxaana si weyn u wiiqmay Dakhliga Dawlada Somaliland ka soo gali jirey Dekadda berbera, waxaana Xaaladani ay Sababi kartaa Amaan daro iyo Kacdoono ka kacey Qawtal daruuriga iyo nolosha dadka ku dhaqan Berbera, oo  ilaa 24 Sacadood ee ugu dambeeyey ku jiray nolol Gadoon ah, waxana laga dhirsugayaa go’aanka madaxweynaha Somaliland uu ka qaadan doono Saacadaha soo Socda Xaalada Cakiran ee Magaalada Berbera.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews