berberatoday.com
“Cigaal Iyo Rayaale Dhufays Adag Ayey Kaga Jireen Qadiyada Somaliland, Axmed Silanyana Si Yar Oo Fudud Ayuu Ku Furay”
March 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgaliyada ee Golahaas ayaa Madaxweynaha baaq u diray waxaanu ugu baaqay in madaama uu tanaasulay uu ku dadaalo sidii uu dalka uga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah.

1

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo wareysi gaar ah s siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa kale oo uu sheegay in musuqa iyo qabyaaladu meel xun marayaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Xukuumaddii ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, qadiyada Somaliland meel adag ayey ka taagnaayeen, marka loo eego Axmed Siillaanyo  marka arinta  Somaliya timaadana waxa ay odhan jireen Somaliya halka aanu soo gaadhnay, marka ay soo gaadho, oo doorasho xor ah ka dhacdo, Madaxweynahoodana si xor ah loo doorto, ayaanu la hadlaynaa, laakiin Axmed Siillaanyo si yar oo fudud oo aanu ka fiirsan ayuu wada hadalada u furay, Shirarkii kala duwanaa ee loo qabtay Somaliland iyo Somaliya marka laga reebo Shirkii ugu horeeyey ee ka dhacay London mooye shirarkii kale may ahayn qaar naf leh, waxaana run ah in meeqaamkii Somaliland hoos u dhacay markii loo wareejiyey wada hadalada Dalka Turkiga oo aynu ognahay inuu dhinaca Somaliya u janjeedho, waxa kale oo run ah oo xaqiiqada laga wada hadal oo lama soo hadal qaadin qaabkii la iskugu biiray 1960-kii, ee waxa ujeedadooda oo qudhi ahayd waad naga mid tihiin iyo idinkama mid nihin, ee xaqiiqooyin badan oo jira lagama wada hadal, markaas Cigaal iyo Rayaale dhufays adag ayey kaga jireen qadiyada Somaliland, Axmed Siillaanyana si yar oo fudud ayuu ku furay”.

Xildhibaan Axmed Obsiiye ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Maalintii uu Daahir Rayaale xukunka ku wareejiyey Axmed Siillaanyo, Somaliland waxa xidhiidh toos ah la lahaa wadamo badan oo Caalamka iyo Afrikaba leh, waxa dhab ah in wakhtigii Daahir Rayaale in tiraba saddex jeer midawga Afrika ay dalka yimaadeen, in Xoghayihii Mareykanka u qaabilsanayd Afrika Jendayi Frazer ay timid dalka in madax kale oo caalamka ka tirsani ay dalka yimaadeen, balse  Xukuumaddan may iman, taasina waxa ay ku tusaysaa diciifnimada Xukuumaddan”

Xildhibaan Axmed Obsiiye ayaa mar uu Madaxweynaha u diraayey baaq ayaa yidhi “Madaxweynuhu wakhti ayey u eekayd inuu magacaabo Guddi ictiraaf raadin, balse madaama uu tanaasulay waxay sharaftiisu ku jirtaa inuu Doorasho xor iyo xalaal ah qabto, inuu wakhtigeeda ku qabto, haddii ay Doorashadu dhici weydana waa ayaan daro weyn”.

Xildhibaan Axmed Obsiiye ayaa mar uu ka hadlayey Musuqa iyo Qabyaalada ayaa yidhi “Maanta dalkii Qabyaaladu meel xun ayey ka maraysaa, waana la iskugu faanaya, xittaa dadkii aqoonta lahaa ayaa si xun u adeegsanaya qabyaalada, waxa kale oo iyana meel xun maraysa Musuq-maasuqii oo heer xun maraya, labadabana waan ka digayaa”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday shilkii ka dhacay Jidka Gabiley ee dadka badani ku geeriyoodeen waxaanu ILLAAHAY uga baryey dadkaas geeriyooday inuu u naxariisto, samir iyo imaana ka siiyo dadkoodii, waxa kale oo u caafimaad sareecana ugu ducaayey dadkii dhaawacu soo gaadhay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews