berberatoday.com
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Berbera Uyimi Xilka Qaadista Marwo Rooda Axmed Yaasin Madaxtooyadana Mashruuc Kaga Soo Qaatay Xil Kaqaadisteeda Iyo Fulinta Qorshe Lagu Shaxeeyey Madaxtooyadda
March 3, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wararka ka immanaaya Saacadihii u danbeeyey Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegay inuu safar kaddis ah ku yimi magaalada Berbera Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Ma sheegin Gudoomiyuhu ujadeedada Safarkiisa iyo mudada uu qaadan doono.

Hase-yeeshee ilo-wareedyo rasmi ah, ayaa tibaaxey in saldhigga socdaalka saaxil ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu yahay mid ku xidhiidhsan shirqool siyaasadeed oo madaxtooyada lagu falkiyey, kaasoo ku saabsan in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu Xilka ka qaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Ucid Marwo Rooda Axmed Yaasin, iyo sidoo kale, inuu magacaabo laba masuul kasoo jeedaa dhalasho ahaan Bariga Fog ee Gobolka Saaxil, kuwaasoo sida u dhigayo qorshaha madaxtooyadda lagu shaxeeyey noqon doona laba Xubnood oo lagu kaabo Gudoomiyaha gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, si marka ay hadasho labadan xubnood uga barbar hadlaan, una beeniyaan eedeyn maha ay xukuumadda u jeediso.

Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen, inta uu joogo Magaalda Berbera Gudoomiye Faysal cali Waraabe, inuu soo saari doono baaq nabadeed khiyaamo ku jirto, kaasoo sida qorshuhu yahay uu ku bayaamin doono taageero uu isla barbar cid madaxtooyadda looga yeedhiyey. Waxa xogguhuu intaa ku dareen, Md. Faysal Cali Waraabe ay isku afgaran waayeen socdaalkiisan Berbera Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Gurey, oo isagu sida iluhu tibaaxen socdaalka Saaxil ee Gudoomiyaha ku tilmaamay mid waqtigan loo baahneyn.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews