berberatoday.com
“Degmada Allaybaday Waxay Go’doon Ka Tahay Dalka Intiisa Kale, Waxaan Ku Soo Arkay Xaalado Aad U Naxdin Badan” Xoghaha Arrimaha Guddaha WADDANI »
March 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI Daa’uud Xuseen Jaamac (Food Cade) oo labadii cisho ee u dambeeyay ku sugnaa Degmada Allaybaday ayaa qaylo dhaan dhiilo leh ka soo saaray darxumada iyo nolosha adag ee ka taagan Deegaamo badan oo ka tirsan Degmada Allabaday ee Gobolka Gabiley,waxa uu ugu qaabay Gudida Abaaraha inay il gaar ah ku soo eegaan Xaalada ka taagan Allaybaday,waxa kale oo uu sheegay in Allaybaday ay u muuqato Degmo go’doon ka ah Dalka intiisa kale oo ka aradan dhamaan wax qabadkii Xukuumadda Kulmiye,isagoo sheegay in Reer Allaybaday ay yihiin dad taariikh dheer ku leh Somaliland gaar ahaan halgankii SNM,Islamarkaana ay yihiin dad iskood wax u qabsada balse abaarta jirtaa ay ka awood badatay,waxa uu sidoo kale ugu baaqay Dadka reer Allaybaday ee Qurbaha iyo dibadaba inay si deg deg ah uga hawlgalaan Xaalada Qalafsan ee ka taagan Allaybaday.

 

IMG_667E65-417D2E-B661D8-842791-3D62DE-3B4913

 

Daa’uud Foodcade oo u waramay Wargeyska Foore oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa waxa uu hadalkiisa u bilaabay sidan “Labadii Maalmood ee u dambeeyay waxaan Ku Sugnaa Degmada Allaybaday,Waxaan u tagay sidii aan uga war heli lahaa xaalada dhabta ah ee nolosha deegaankaasi ka jirta iyo Taageerada ay dadka deegaankaasi u hayaan Xisbiga aan ka tiranahay ee WADDANI,Waxaan la kulmay xaalado aad u naxdin badan,waxaan arkay Allaybaday oo aan Somaliland-ba ku jirin oo ka go’an,waxaan soo arkay Allaybaday oo ka faro madhan wixii deegaamada kale la gaadhsiiyey,hadday biyo tahay,hadday baad tahay,iyo haddii ay raashinkii dadka loo qaybinayay tahayba,oo intaba ka qatan oo aan la soo gaadhsiinin,waxaan isweydiiyay Allaybaday goorma ayay godobta intan leeg gashay, ma-dawladan Kulmiye ayay ka gashay, ma Somaliland inteeda kale ayay ka gashay,mise wax kale ayaa jira,waxaasi oo dhami waa su’aalo aan isweydiiyay,Jawaabna waan u waayay,waxaan keliya ee aan ogaaday inay Dawlada Kulmiye ugu cadhoonayso inay dadka reer Allaybaday yihiin dad wax diida oo aan ahayn dad wixii lagu qasba aan qaadan,waxaan dareemay in la doonayo in lagu cabiidiyo waxaanay raali ka ahayn,Reer Allaybaday waa dad wanaagsan oo jecel dawladnimada,waa dad wanaagsan oo la ogyahay taariikhdii halgankii SNM doorkii ay ku laahayeen,waa dad is-agtaaga qof kasta oo jilicsan maalinta uu baahan yahay,haddii ay tahay hawl Bini-aadaminimo iyo haddii ay tahay mid taageero siyaasadeedba,waxaana la ogaa doorkii ay ka soo qaateen Dawladan Talada dalka ahaysa ee Kulmiye oo Reer Allaybaday ugu abaal guday waxaan laaqim ku ahayn ama waxaanu cuntamin”.

Waxa kale oo uu yidhi “Shacabka reer Allaybaday maanta cidlo ayay joogaan,Aniga oo ku hadlay Magaca Xisbiga WADDANI Islamarkaana ah Xoghayihii Arimaha Gudaha,Waxaan soo arkay Xaaladaa Xanuunka Badan,Waxaanu nahay Xisbi Mucaarid ah,wax aduun ah oo aanu gacanta haynaa majirto,Hantidii umada Dawlada Kulmiye ayaa haysa,wixii ay lahaayeen iyo cashuurtiiba gacantooda ayay ku jirtaa,laakiin waxaanu umada dhawaaq dheer ugu sheegaynaa in Dadkii reer Allaybaday dawladii ay doorteen ay go’doon kaga jiraan,oo dad Gasiirad kaga jira ay yihiin,cidi Dawlad ugu jirta iyo cid u maqan toona aanaan arag,Waxanu kale oo aanu sheegaynaa dadka Abaaraha ka shaqeeya ee iskood isku xilqaamay ee khayraadka wada inaanan farta loogu fiiqin meel dan laga leeyahay,oo iyagu ay soo ogaadaan meel walba waxa yaala iyo sida ay dhibtu ugu kala badan tahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Fariin labaad waxaan udirayaa Dadka ka soo jeeda Deegaanka Allaybadya gudo iyo dibadba,waxaan leeyahay,Allaybaday waxaa haysa oo ku habsatay masiibadaaasi abaarta ee dadka kaleba ku dhacday,waa marka labaad eh,umadaha kaleba waa loo gurmaday laakiin reer Allaybaday looma gurman,oo waxba looma keenin. Waxaad ogaataan idinka laftiina waxbaa la idinka qaadayaaye oo aad ku leedihiine inaad ogaataan wixiina meesha uu ku baxayo,Xaqna waxaad uleedihiin inaad hadashaan,Xaq uma lihidin inaad aamustaan oo Xaqii aad lahaydeen aad ka gaabisaan, tu-labaad waxaan u sheegayaa Dawlada,dawladani maanta uma baahna,maalintay codka doonaysay maaha,Codkeedii way heshay,laakiin dadkii codka siiyay ha u caddaalad samayso,dadka xaqa ay ku leeyihiin ha siiso oo cashuur ayay ka qaadayaaye ha u celiso xaqoodii dadka,qaraabo kiilkan iyo eexdan ay inabartay ha joojiso,dadka waxma tarayaasha ah ee ay deegaamada ay ka soo jeedaan gaynaysana ma gayaane dad wax tara ha u doonto,Dawladan maanta jirta iyada oo dhan ayaanu u aragnaa inaanay dadka wax u tarayne waxaanu leenahay inta idiin hadhay dadku xaqa ay idin leeyihiin ku celiya”. Ayuu hadallkiisa kuu soo koobay Xoghaya Arimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI Aqoon Yahan Daa’uud Food Cadde.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews