berberatoday.com
Somaliya”Maxkamad Dil Ku Xukuntay Wariye Al-shabaab Ka Tirsanaa Oo Lala Xidhiidhiyay Dilka Suxufiyiin Hore Loo Dilay
March 4, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoda.com)-Maxkamadda derajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ee dalka Soomaaliya, ayaa maanta dil Toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla-markaana muddo sannad ka badan ku xidhnaa xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Dhageysiga dacwaddii loo haystay Xasan Xanafi oo ay ka mid ahaayeen; inuu mas’uul ka ahaa dilal Muqdisho loogu geystay Wariyeyaal, ayaa waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda uu sheegay inay xukunkan rideen kaddib markii ay arkeen caddeymo maxkamadda la horkeenay, ayna hor-yimaaddeen Maxkamadda Markhaatiyaal ku marag-furay.

“Waxaa Maxkamadda la Hor-keenay Caddeymaha Dambiyadii lagu soo eedeeyay, Xanafi, isla markaana ay hor-yimaadeen Maxkamadda Markhaatiyaal ku marag-furay, Waxaana ay maxkamaddu ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji dil Toogasho ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqayay natiijada xukunka maxkamadeed.

Sidoo kale, Col. Shuute ayaa xusay in Xasan Xanafi ay ku Caddaatay in uu ka dambeeyay Toogashada Wariyeyaal kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Cali Iimaan Sharma’arke, Sheekh Nuur Abkeey iyo Siciid Tahaliil Axmed.

Xukunkan Maxkamadeed ee lagu riday Xasan Xanafi ayaa Wuxuu ku soo beegmayaa Xilli Xasan Xanafi Xaaji uu toddobaadyo ka hor Wareysi siiyay Radio Muqdisho uu ku sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilkii Wariye Sheekh Nuur Abkeey, balse aanu ku lug ku lahayn dilalkii loo geystay Wariyeyaasha kale.

Wuxuu kaloo, Xasan Xanafi uu Wareysigiisan ku sheegay in Al-shabaab ay Wariyeyaasha oo dhan u haystaan kuwo riddo ah oo diinta ka baxay, ayna ugu xukuman yihiin dil, isagoo sheegay in uu wax ka ogaa dilalka Wariyeyaasha kale ee lagu eedeeyay inuu dilalkooda lug ku lahaa.

Dhanka kale, Xanafi ayaa Waxaa lagu Qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya bishii August ee Sannadkii 2014-kii, iyadoo Nabad-sugidda Somalia lagu soo Wareejiyay Dhammaadkii isla sannadkaas 2014-kii, isagoo tan iyo xilligaasna ku xidhnaa mid ka mid ah Xabsiyada Sirdoonka Dowladda Somalia ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin.

Xanafi

Xanafi, ayaa intii aanu ku biirin Al-shabaab waxa uu ka mid ahaa Wariyeyaasha ka hawl-gala Muqdisho, balse markii dambe waxa uu dhanka Warbaahinta u qaabilsanaa Al-shabaab, isagoo sidoo kalena qaabilsanaa inuu fududeeyo Dilalka Wariyeyaasha, sida uu isagu ku caddeeyay Wareysiga uu siiyey Idaacadda iyo Telefiishanka Soomaaliya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews