berberatoday.com
Maxaad Ka Og-tahay Shaqsiyaadka Durbaanka Colaadda u Tumay Fimaddii Ka Istaadhmi Gaadhey Berbera iyo Kuwa Dhexda u Xidhay Daminteeda!!! W/Q Cabdicasiis Bashiir Nuur
March 5, 2016 - Written by Berbera Today

Maxaad Ka Og-tahay Shaqsiyaadka Durbaanka Colaadda u Tumay Fimaddii Ka Istaadhmi Gaadhey Berbera iyo Kuwa Dhexda u Xidhay Daminteeda!!! W/Q Cabdicasiis Bashiir Nuur Waxa muhiim ah oo ay tahay in cashar laga barto dhacdo kastaa oo kula soo derista ama saameyn ku yeelata Mujtamaca, deegaan, dal midkeyd doonto ha noqotee. Waxay ku bartaa dad markii hore isku ka huwanaa, oo aanad kala aqoonin inay yihiin dad ay ku dheer tahay caadifad qabiil, mid shaqsi iyo weliba mid xaasidnimo. Haddaba, qormadan aan ugu magac daray, Maxaad Ka Og-tahay, Shaqsiyaadka Dubaanka Colaadeed u tummay fimaddii Ka istaadhmi gaadhey Berbera iyo Kuwa dhexda u Xidhay dejinteeda. Qormadan ujeedada ugu weyn ee aan ka leeyahay, waxa ay tahay inay bulshaddu kala oggaato, shaqsiyaadka jecel Qaranimada, wada noolaanshaha ummadda ee walaalnimada leh iyo sidoo kale, kuwa ay xummaantu shaqeyso, ee iyaguu beelada horbooda ama haddaan si kale, u dhiggo, fidmada dabka sii su’dha. “rasuulkeeni Suubana waxa la inooga soo weriyey Fimaddu way hurudda ee ha toosinina, kii Toosiyana Nacdali haku dhacdo”.. Haddaba, maalmood ka hor markii ay dhacday arrin masiibo Qaran ah, oo ahayd kugu dhimeyn oo kaa Dhimey, kaddib markii koox juhaalo ah oo lagu sheegay Dableyd, ay goor galabnimo ah toogteen Sarkaal ama Taliyihii Ciidamadda Booliska ee qaybta magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera Gaashanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Caseyr), waxa ay ahayd arrin aad u naxdin badan, sababo badan awgood. Dilka foosha xun waxa uu dalka ka abuurey xasaasiyad caadifad qabiil loo bedelay oo kicisey shucuub badan oo kamid ah Beelaha Somaliland, iyaddoo khaasatana si gaar ah u foodda la isla galeen dad Walaalo ah oo isku deegaan ah. Falkaa marka laga yimmaado caadifadda Beeleysan ee jibbada ah ee loo roggey shar iyo xummaan lagu istaadho dadka lagu magacaabo Maan-gaabta si ay iskugu dhacaan.Haddana waxa taas iyana dhinac socday ficillo wanaagsan oo ka immanaayey shaqsiyaadka Bulshada saameynta ku leh, sida Siyaasiyiinta ku kala jira Asxaabta Qaranka, Madax-dhaqameedyo iyo sidoo kale, Masuuliyiinta Dawladda haday wasiir tahay iyo hadday mid kale tahayba, waxa ay kala ahaayeen kuwo kala calaamadsan shar iyo kahyrba. Shaqsiyaadka ka shaqeeyey hurin colaadeed, isla markaana u badheedhay una banbaxay in la waayo xasilooni lagu naaloodo iyo wada-noolaansho danbe oo lagu wada caweeyo, waxa kamid ahaa shaqsi inta badan laga wada yaqaano dhulka Soomaaliddu degto, akhristow weliba Ninkaasi, waxa uu sitaa magac inta badan markaad maqasho aad ka filaneyso sammaan badan. Shaqsigaas u badheedhay inuu si caddaan ah iskaga horkeeno Beelo dhan oo walaalo ah, waxa lagu magacaaba Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-madow. Ninkaasi intaa uu Warbaahin soo fadhiistay waxa uu madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Siilaanyo oo ay hayb guud wadagaan uu ugu baaqay inuu is casilo, sidoo kalena waxa uu intaa raaciyey in Dilkii Ilahay qadarey ee alle ha u naxariistee Taliye Marxuum Caseyr uu ahaa Shirqool Beel dhani usoo maleegtay, isagoo madaxda Birmageydada ah ee Gobolka Saaxilna ku eedeyey inay ka danbeeyeen, waxa kaloo uu intaa raaciyey inay Beesha uu kasoo jeedda ay Hubka inta ay qaatan, daadiyaan Dhiigga walaaladdood, isagoo leh wax iska celiya reer hebelow cajib. Akhriste mar hadaad kaas aragtay, waxa isna jira shaqsi kale, oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland ee iyaggu danahooddii uga tagey qaboojinta xiisaad colaadeed oo dhex martaa Beelo walaalo ah. Waa Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo isagu arrintaas dejinteeda uga yimmi dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo uu arrin kale qabyo uga soo cararay. Waxanu hadda suldaanku ilayo hadda magaaladda Berbera u jooga soo afjerista xaaladda halkaa, isaggoo guulaha laga gaadhey arrinka qaarkood sabab u ahaa, ilahay haka abaal mariyee. Haddaan madaxda dhaqanka halkaa ku yara dhaafo, waxa iyana jirey laba Siyaasi oo midna Xukuumadda kasoo jeeddo halka ka kalena uu yahay shaqsi kamid ah, saddexda Musharrax ee u tartamaaya hoggaaminta mustaqbalka ee Somaliland. waa Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo sidoo kale, Musharrax Xilka madaxweynenimo ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo labadooduba ahaa laba shaqsi oo dhexda u xidhay inaanay gudbin fidmo, dalka u horseedda inuu burburo, waxanay labadoodu af iyo a’din labada ka geysteen sidii xiisadaas nabad loogu soo dabbaalo. Waxana la arkaayey iyagoo horseed ka ah kullaamo nabadeed oo ay iskugu soo dhoweynayaan labada dhinac iyagoon dhinacna u xaglineyn.

 

 

 

 

W/Q Cabdicasiis Bashiir Nuur Tel: 4144434

C.casiis98@hotmail.com Haargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews