berberatoday.com
Qaddiyadda Goonni-Isu-Taagga Somaliland Oo Laga Raadiyo Maxkamadda Caalamiga EE Hague – Waxay Sababi Kartaa Diidmo Qayaxan oo Magaceenna Iyo Qaddiyadeennaba Lagu Waayo Abada. (Rasheed Ali Meigag Samater)
March 5, 2016 - Written by Berbera Today

Qaddiyadda Goonni-Isu-Taagga Somaliland Oo Laga Raadiyo Maxkamadda Caalamiga EE Hague – Waxay Sababi Kartaa Diidmo Qayaxan oo Magaceenna Iyo Qaddiyadeennaba Lagu Waayo Abada.
(Rasheed Ali Meigag Samater)
Bismilla hi Raxmani Raxiim,
Saxaafadda Somaliland iyo kuwa caalamkuba waxay maalmahan dambe ka faalloonayeen in Somaliland oo muddo rubuc qarni ku siman sugaysay aqoonsi caalamiya, ay ka daashay oo haatan xagga shuruucda caalamiga ah qaddiyaddeeda ka raadin doonto.
Haddaba waxa xusid ila mudan, inaynu si taxaddar iyo fiirsasho badani ku jirto arrintan u waajahno, su’aalo bandanna jawaab loo helo inta aynaan waddadaa furin.
Qoraalkan marnaba ulama jeedo inaan ku duro Mudane Dr. Sacad Cali Shire – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, oo ah aqoonyahan fiiro dheer leh, lagana yaabo inuu isagu ogyahay xogo iyo sababo kellifay in Somaliland dariiqan ku macaashayso, Dr. Sacad baa warkan laga soo xigtay, saxaafaddana ku faafiyay.
Hase yeeshee Muwaadiniinta Somaliland waa inay jawaabo lagu qanco u helaan isweydiimaha ay ka mid noqon karaan:
Haddii Maxkamadda Caalamiga ah (Internaational Court of Justice I.C.J), ay Somaliland ka aqbasho arji si looga fadhiisto arrinteeda , qabashada arjigaasi, xaaladdii jirtey ee Somaliland ma waxbay ka beddelaysaa oo ugu kordhaya?
Maxkamadda Caalamiga ah ee I.C.J. ma jiraan ummado hore oo Goonni-isu-taag doonayaa oo jidkan u maray?, Maxayse kala kulmeen?
Hadddii Maxkamaddu go’aansato Xaqa Somaliland u Leedahay gooni-isu-taagg, aqoonsi caalamiya ma keenaysaa?
Haaddiise Maxkamaddu diiddo ama laasho xaqa gooni-isu-taagga, dal madax-bannaan oo Somaliland la yidhaa ma sii jiri doonaa?
Haddiiba Somalia iyo Somaliland wada hadalka ku heshiin waayaan, dhexdhexaadin caalamiya iyo aqoonsina la waayo, ma jiraa sharci u oggolaanaya dawladda Somalia ee la aqoonsan yahay (oo dad iyo dalba ka baaxad-weyn Somaliland), inay cudud milateri ku soo ceshato xuduudaha S/Land ee ay iyagu u yaqaannaan inay Somalia leedahay?
Muddada aqoonsi la’aantu markay sii korodhaba, ma waxbay u taraysaa Somaliland oo ka mid noqota ummadaha iyo dawladaha caalamka, mise wax bay u dhimaysaa?
Somaliland hadday si buuxda u dhammaystirtay shuruudihii caalamiga ahaa, maxaa loo aqoonsan waayay?
Aqoonsiga Somaliland ma Somalia ayuu ku xidhan yahay, haddiise Somalia oggolaan weydo goonni isu taagga S/Land xal kale ma jiraa? Maxkamadda I.C.J. oo aqbasha xaqa Somaliland, ma ku khasbi kartaa Somalia iyo dawlado kaleba aqoonsi ay hesho S/Land?
Maxkadmadda I.C.J qaraakeeda oo dawladuhu saamayn culus ku leeyihiin, ma jiraan dawlado la jira S/Land ama kuwo kaa dhan ah? Labada qolose iyamaa badan?
Waxa iyana isweyddiin mudan side xukuumadda S/Land, iyadoo aan la tashan Gole-Shacbi, mid Guurti iyo Xisbiyada toona, oo wada-tashi qaran laga yeelan, ay keligeed ugu tallaabsataa xaalad ay ku gedaaman yihiin khataro badan, oo keeni kara in lagu guuldarraysto go’aanka maxkamadda Caalamiga ah, isla markaana sabab u noqon karta qaddiyadda Somaliland oo aan dib loo soo qaadin abid?

Akhriste, innagoo soo koobayna jawaabaha aynu xusnay, waxa iirtey in Maxmiyaddii W.Rhodesia la odhan jirey oo ka tirsanayd Xuduudihii Gumaysiga Ingriiska (British Territory)ee South Africa, oo xukun hoosaad iyagu ay iska leeyihiin isku maamulayay illaa 1923kii , waa muddo ka badan 40 sannadood, ay iskood ugu dhawaaqeen sannadkii 1965kii goonni isu-taag dawlad madax-bannaan. Dadaal badan oo in caalamku aqoonsado ah oo sameeyeen, waxa ka soo hor-joogsanayay Boqortooyadii Ingriiska. W.Rhodesia xaqii ay u lahaayeen goonni is taagga waxay gaadhsiiyeen Maxkamadda caalamiga ah ee I.C.J oo iyaguna xukumay diidmo cad oo la dhan ah sidii ay rabeen ama u ololaynayeen Ingriiska iyo taageerayaashiisii.Halkaasana waxa lagu xabaalay qaddiyaddii gooni-isu-taagga Rhodisia.
Waxa marag ma doonto ah, in Somaliland buuxisay qodobbadii looga baahnaa dawlad Madax-bannaan ee lagu xusay laguna ansixiyay shirkii magaalada Montevideo ee dalka Uruguay sannadkii 1933kii, hase ahaatee, xataa markii la buuxiyo shuruudaha Montevideo, haddana diplomaasyidda caalamiga ah iyo xaaladaha loo maro aqoonsiga ayaa sideedaba ah mid murugsan oo aan lahayn qaaciido u qoran ama dariiqyo qeexan oo loo maro.
Khabiir aad ugu xeel-dheer Shuruucda Caalamiga ah, lana odhan jirey Prof. Stefen Talmon oo buugaag iyo qoraallo badan oo si weyn loo adeegsado qoray, ayaa ku tilmaamay in Aqoonsiga iyo Madax-bannaani doonku, ay la mid tahay sida maahmaahda Ingriiska ee tidhaa “ Quruxdu waa qofba siduu u arko” (Beauty is in the eye of the beholder), waa halka Somalidu ka tidhaahdo “Xaajo nin la toosan baa, ninna tuur la leh”. Macnaha guud waxa weeye Aqoonsi-Madax-bannaani waxa keena, hadba sida dawlad ama dawlado ka mid ah caalamku u arkaan inaad toosan tahay, dabadeedna xidhiidh diblomaasiyadeed idin dhex mari karo.
Prof.Talmon waxa kale oo uu qoray, Shuruucda caalamiga ahna ku jirta, in Ummadaha iskood ugu dhawaaqay goonni isu taagga, hase yeeshee aan helin aqoonsi caalamiya (DeFacto State), ay qudhoodu ku leeyihiin Qaramada Midoobay xuquuqo iyo sharciyo caalamiya oo ay ka mid tahay Mudnaan Xadaysan oo Dawladeed (Certain Degrees of Sovereignity), iyo Xuduudohooda oo aan lagu xad-gudbin (Territorial Integerity), iyo weliba inaan cidina cudud ama xoog lagu duulayo ula tegi Karin ( Benefits from Prohibition of the use of all types of Force). Ka soo qaad dalka Kosovo oo goonni-isu-taag ku dhawaaqday Sannadkii 2008kii, Serbia oo ah dawladda weyn ee ay ka goosteen xoog iyo cudud milateri midna ulama tegi karaan, si loogu soo celiyo midnimadii hore uga wada dhexayn jirtey.
Ogsoonoow, Kosovo waxa aqoonsaday 111 dawladood oo ka mid ah 193ka dawladood ee Qaramada Midoobay U.N.- oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo 22 dawladood oo ka mid ah 27ka dawladood ee ay ka kooban tahay Midowga Yurub (European Union), welina illaa maanta Citiraaf ma haystaan, ka midna maaha Qaramada Midoobay xataa iyagoo ku guulaystay xukunkii Maxkamadda I.C.J. u xukuntay inay gooni-isu-taagaan, garab buuxana ay ka heleen saaxiibo iyo dawlado waaweyn oo go’aanka maxkamadda I.C.J na saamayn ku lahaa. Tani waa marag cad in xataa haddaad ku guulaysato xukunka Maxkamadda Caalamiga ah, in weli aqoonsi kaa dheer yahay.
Waxa iyana aan lagu murmayn in Somaliland waqtigan la joogo aanay lahayn saaxiibbo waaweyn iyo kuwo yaryartoona oo ka badhi-taara qaddiyaddeeda goonni-isu-taagga ee maxkamadda I.C.J la hor keenayo, hase yeeshee ay ka haqab la’dahay cadow badan oo xagal-daaciya amaba fashila qaddiyadeeda, oo ay ka mid yihiin dawlado reer Galbeed ah oo daba socda heshiisyo Shidaal iyo Macaadin lala saxeexday Jamhuuriyaddii Somaliyeed ee burburtay, Midnimadaasi inay mar kale soo noqotana, geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan.
Haddaynu soo ururinno, Somaliland Maxkamadda I.C.J waxba uma soo waddo, muddada aqoonsi raadisku markay sii durugtana, aqoonsi lagu guulaystaana way ka soo dhowaanaysaa.
Somalia oo keliya aqoonsigu Somaliland kuma xidhna, xataa haddii wada-hadalka iyo dhexdhexaadintuba burburaan, ee waa kolba sidaa dawlado aad saaxiibbo tihiin oo dano iyo diblomaasiyadi idin dhex-marto looga kasbado 193ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramaday Midoobay ee U.N.
Mar haddii xaaladda Somaliland ee aynu joogno waqtigan, aan I.C.J laga filayn Aqoonsi Diblomasiyadeed oo laga helo, khatar ah Qawmiyadeenoo la waayaana fursad yeelan karto, ma habboon tahay in guud-ahaanba laga hadho hadda, haddiise lagu tallaabsanayo arrintan, miyanay habboonayn in marka hore Qaranku gurigiisa ku sii gar-naqsado intaan Geedka gartaba la tegin?

Wa Billaahi Tawfiiq
Waa Qalinkii: Rasheed Ali Meigag Samater

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews