berberatoday.com
Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Wadani Oo Ku Taliyay In La Ilaaliyo Nabada Iyo Dimuqraadiyada Dalka.
March 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa waxa uu sheegay inay Somalland ku faanto, Caalamkana ugu faanto kagana doonayso Ictiraaf  hirgelinta Dimuqraadiyada iyo ilaalinta Nabada, waxaanu soo jeediyey in aan lagu ciyaarin oo aan la dayicin si gaar ahna loo ilaaliyo Nabada.

fadal(21).jpg

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay ka feejignaato kana hortagto dhacdooyinka keeni kara dhibaatooyin amaan daro “Haddii aynu nahay Somaliland waxa aynu hirgelinay oo aynu Wadamo badan oo caalamka ah dheernahay waa hirgelinta Nabada iyo Dimuqraadiyada, markaas haddii aynu

 

maanta dib u noqono, oo Dimuqraadiyadii iyo Nabadii aynu Caalamka ka iibinaynay, ictiraafkana kaga doonaynay haddii aynu ka sinbiririxoono waa dhibaato weyn, haddii aynu dib ugu siibano dhibaato aynu ka soo gudubnay waa ayaan daro weyn,ilaalinta Nabadu waa muhiim, waxayna muhiim inoogu tahay wax walba, cid kastana muhiim ayey u tahay, haddii aynu Nabad la waayana dalkan iyo dadkaba sidaas ahaan maayaan, haddii la ilaalin waayo Nabadana Dimuqraadiyadu meesha wey ka baxaysaa, Diiwaangelintu meesha wey ka baxaysa, si Doorasho lagu galaana wey adkaanaysaa, markaas aad ha loo feejignaado, oo amaanka wadanka ha la ilaaliyo”.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa mar uu Xukuumadda baaq u diraayey wuxuu yidhi “Waa inay Xukuumaddu yeelataa feejignaan dheeraad ah, waa inay mar walba ka warhaysaa xaalada dalka iyo dadkaba, waa inay ka hor tagtaa wixii dhibaato iyo fidno ee dhici kara, Shacabkuna waa inay mar walba isku xidhnadaan, maxa yeelay Shacabka reer Somaliland waa wada walaalo”.

 

Dhinaca kale waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal ILLAAHAY uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo Taliyihii dhawaan la dilay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews