berberatoday.com
“….Kama xumi in aan Xaruntii iyo xilalkii madhnaa ka tago, waxaan se aad uga xumahay in aan ka tago tobannaan kun oo xisbigaa xubno ka ah,in is-beddel kheyr qaba togan dhaliyaan”. Boobe Yuusuf
March 6, 2016 - Written by Berbera Today

Waxaan soo jeedinayaa in aynaan khaldamin. Waa dagaal waxaynu ku jirnaa. Iskuma raalli-gelin karno waxa dhiig ku daadanayo. Halkan in aynu isku raalli-gelinno uma aynu iman.”

Warsaxafadeed: Xil-ka-tegid Danab Aadan Sheekh Maxamed, Aadan-shiine oo shahiiday 31kii Meey, 1987kii, wuxu ka mid ahaa hoggaankii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Bishii Maarj, 1987kii maalmihii aanu ku jirnay Shirweynihii 5aad ee Caadiga ahaa ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Adari (Harar) ee Itoobiya ayuu ka oogsaday meel ku beegnayd badhtamihii Waabkii Shirweynaha oo koonfur xigtay waxaana milaygaa laga guntay murti ahayd:

“….Waxaan soo jeedinayaa in aynaan khaldamin. Waa dagaal waxaynu ku jirnaa. Iskuma raalli-gelin karno waxa dhiig ku daadanayo. Halkan in aynu isku raalli-gelinno uma aynu iman.”

Aniguna maanta halkaa halkeedi ayaan taaganahay oo Xisbiga Waddani uma aan gelin ugumana jirin, uguna jiri maayo in aan cid ku raalli-geliyo. Ilaahay ayaa hor-dhaca raalli-gelinta iga mudan. Hanbada raalli-gelintana shacbigaa tabaalaysan ee hashoodii lagu hor maalayo iyaga oo gaajaysan ayaa iga mudan.

Waa sidii uu Hadraawi u yidhi oo: “Derejiyo xil laygu taxo, uma korin darmaanta.” Hore ayaan Wasiir u soo noqday, shan bilood ka dibna aniga ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu xilka iga qaado, wuu iga oggolaaday waanu ku mahadsanaa.

Xisbiga Waddani waxaan u galay in aan ka qayb-qaato sixitaanka waxyaabo aan is-lahaa waa ay khaldameen, waxaana noo qorshaysnaa in aanu gudihiisa ka suuro-gelinno is-beddel togan oo ka dhaca qaybo ka mid ah wejiyada nololeed ee dalka. Waayo-aragnimadaydii gaabnayd waxan ku ogaaday in aanu xalku ku jirin Xukuumadda oo wax laga beddelo, bal se xalku ku jiro Xisbiyada Xukuumadaha dhala ama soo dhisa oo wax laga beddelo.

Is-ma aan lahayn Xisbiga Waddani waxaad ugu tegaysaa: Xarun madhan, xafiisyo madhan, xurmo madhan iyo xilal madhan; sidii aanan isu lahayn saluug badan ayaad Xukuumadda ugu tegaysaa markii aan ka hawl-gelayay. Taasina waa ta salowga iyo saluuggaba beertay, saqaafahana keentay. Sarriigashada iyo bir-ma-geydada siyaasadeed waa sunne aan kursiga loo sadqayn karin.

Waayo-aragnimada taban ee aan Xukuumad iyo Xisbiba kala kulmay waxa ugu mudan sida ay hawl-galladoodu u yihiin qosol-ku-jabka iyo hugunka. Hadba waxa igu soo dhaca beyd uu lahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo uu suugaanta ugu ab-tirinayay, waxaanu yidhi:

“Haddii anay luulidu kuu taxnayn, labacu waa been,”

Aan ku soo gunaanado, tuduc aan ka soo qaatay maansadiisii Dir-sooc ee 6dii Abriil. 1990kii uu Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle) ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM ee caadiga ahaa ee ku qabsoomay Balli-gubadle intii u dhexeysay 31kii Maarj-28kii Abriil, 1990kii; waxaanu yidhi maalintaas:


“Shaxda kama il-duufine,

Sidaan damacsanaa iyo,

Sida Dooddi yeelaa,

Kala-durugsanaadee,

Haddaan duubi wada jira,

Dedaalkaygi lagu helin,

Dar Allee abaalkay,

Waxa dumay ku suuree


Ugu danbaynna, maanta oo ay taariikhdu tahay 5ta bisha Maarj, 2016ka waxaan iska casilay xilkii Xoghayaha Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga Waddani iyo xubinnimadii, labadaba.

Kama xumi in aan Xaruntii iyo xilalkii madhnaa ka tago, waxaan se aad uga xumahay in aan ka tago tobannaan kun oo xisbigaa xubno ka ah ama taageera oo gude iyo dibadba jooga oo iyaga oo niyad-san doonayay in is-beddel kheyr qaba togan dhaliyaan.

Hargeysa, 5/3/2015ka,

Boobe Yuusuf Ducaale

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews