berberatoday.com
Waa Arin Ugub ah In Xukuumadu Tidhaahdo Warbaahinta Lagama Sii Dayn Karo Warka Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal. Cajiib…..!
March 6, 2016 - Written by Berbera Today

waxa layaableh sababta ay xukuumadu u joojisay baaqan ay soo saareen cuqaasha iyo Salaadiinta Subeer Awal, iyadoo aanay hadalkooda ku jirin wax saamaynaya nabadgalayada iyo wax kicinaya bulshada toona, kaliya waxay ka hadleen in xukuumadu gudato waajibaadkeeda dawladnimo oo aanay ku meeraysan reernimo ama reer

“Soomaalidu Waxay Ku Maahmaahdaa Cimrigaaga oo Raagaa Geel Dhalayana Wuu Ku Tusaa”
Xukuumada Siilaanyo Ayaa Joojisay In Warbaahinta Laga Sii Daayo Shir Jaraa’id oo Salaadiinta, Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka Subeer-Awal Maanta Ku Qabteen Magaalada Hargeysa, Lama Garanayo Sababta Loo Joojiyay Baahinta Warkaas, SHirkaas Jaraa’id ayaa ujeedadiisu ahayd Baaq ku wajahan Xukuumada oo ah in Dawladnimadu shaqayso oo dadka reero look ala qaybin taasina ay dhaawacayso jiritaanka qaranka Somaliland, sidoo kale waxay salaadiintu ka hadleen in aan lakala qaybin dadka walaalaha ah ee reer Somaliland, kaliya in laga shaqeeyo midnimadooda iyo wada jirkooda. Inaanay xukuumadu noqon mid dhiiri galisa nidaamka beelaha oo aan layska horkeenin umada. Waxa kale oo ay ka hadleen in deegaanada waqooyiga ee xayiran oo 13 sano xaqoodii dastuuriga ahaa ka maqanyahay oo ay xukuumada hore ugula hadleen lagana sugayay go,aan dawladeed in xukuumada siilaanyo kaga baxday balankii. Sidoo kale waxay xuseen in salaadiintii nabada ka shaqaynaysay ay wali xidhan yihiin waxa jawaab ahna aan laga hayn xukuumada. In dakadii Ceel gardi ee muranka dhalisay arinteedana laga heshiiyay in wali dhismaheedii socdo wax talaabo ahna aan laga qaadin ilaa maanta.
Shirkan Jaraa,id oo ka dhacay Hotel Guuleed waxa gudoominayay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, waxaanu si qoto dheer uga hadlay in maanta ay muuqato talaabooyin toban oo ay wado xukuumada kulmiye kuwaasna aanay marnaba raali ka ahayn sida ay wax u socdaan waxaanu ugu baaqay xukuumada inay ka waantowdo wax kasta oo fidno abuuraya, wax kasta oo bulshada kala qaybinaya oo dadka layskaga horkeenayo. Waxa kale oo uu ka digay wax yaabaha leexsan ee xukuumadu wado hadii lahagaajin waayo inay dhaawacayso wadajirka umada iyo wada noolaanshaha bulshada reer Somaliland.
Hadaba waxa layaableh sababta ay xukuumadu u joojisay baaqan ay soo saareen cuqaasha iyo Salaadiinta Subeer Awal, iyadoo aanay hadalkooda ku jirin wax saamaynaya nabadgalayada iyo wax kicinaya bulshada toona, kaliya waxay ka hadleen in xukuumadu gudato waajibaadkeeda dawladnimo oo aanay ku meeraysan reernimo ama reer hebelbaa sidaas ah. Waxaynu ognahay in warbaahintu maalmahan u danbaysay laga baahinayay hadalo dhiilo ah oo horseedi kara colaado oo ay ku baaqeen beesha uu ka dhashay taliyihii gobolka saaxil ee gacanta ka xaqa darani dishay, maynu arag wax talaabo ah oo xukuumadu arinkaas ka qaaday oo raali bay ka ahayd, sidoo kale Wasiir cadaani raali buu ka ahaa baaqyadaas colaadeed ee laga baahiyay telefishanada. Waxa iswaydin leh maxay ku dhacday in maanta la yidhaa lama sii dayn karo warka Salaadiinta beesha subeer awal. Taasi waxay noqonaysaa cabudhin iyo cago juglayn xambaarsan ujeedo gaar ah oo laga leeyahay cid gaar ah. Xukuumada Siilaanyo ha ogaato inay tahay wixii laga dagaalamay car juuq dheh, car hadal oo haquficin. Dawladu hadii ay ku sii socoto waxyaabahaa qalafsan ee loo adeegsanayo haldoorkii iyo hogaamiye dhaqameedkii ha ogaato inay tahay wixii siyaad bare laga yeeli waayay.
Wabilaahi Tawfiiq
Mohamed Gacayte
Free Journalist
Hargeysa/ Somaliland
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews