berberatoday.com
Xildhibaan Balaaki Oo Wasiirka Daakhiliga Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo
March 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Black), oo ka tirsan golaha wakiilada, kana soo jeeda xisbiga KULMIYE, ayaa wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade ugu baaqay in la joogo wakhtigii uu iska casili lahaa xilkaas, marka la eego dilalka kala duwan ee ciidamada ee dalka ku soo badanaya.

bbbbbbbbbbb

Xildhibaan Cabdillaahi Black, oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, oo ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada, wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha guduhu ku fashilmay wax ka qabashada dilalka saraakiisha ciidamada oo uu ku sifeeyay arrin siyaasadeed oo halis ku ah Somaliland, “Dilalka noocan ahi way inagu soo noqnoqdeen, markii ugu horaysay ee dilkani inagu yimaado Quri-lugad ayuu ka dhacay, Ceerigaabo, Borama, Arabsiyo iyo Berbera oo markii labaad ah ayuu ka dhacay, waxyaabaha noocan ahi markay yimaadaan waa in ilgaar ah loo yeeshaa.” ayuu yidhi xildhibaanku, waxaanu isagoo la hadlaya wasiir Warancade uu yidhi “Wasiirka arrimaha gudaha waxaanu leenahay dee falalka noocan ahi markay sii bataan waa wixii la iska casili jiray, haddii xilka aad umadda u hayso aanad umadana qancinayn mar walba talaabooyinkiina taaganyihiin waxa la laynayaana tahay ciidankii aad madaxda u ahayd, waa wixii la iska casili jiray ayaan leeyahay, waanan u soo jeedinaynaaa.”

Isagoo xildhibaanku la hadlaya dawladda wuxuu yidhi “Dawladana waxaan leenahay haddii tani inagu sii socdaan oo hal doorkeenii la midha midhaysto waa arrin siyaasadeed, waxa dhacayaa maaha arrin qabyaaladeed ee waa arrin meel kale ku socda ee waa in laga daba taagaa, qarankeena ayay wax u dhimaysaa, haddii hal doorkeena maalinba nin la qaato inagay inagu tahay ceeb.”

Wuxuu xildhibaanku, sheegay inay ka gudi ahaan u yeedhi doonaan wasiirka daakhiliga, waxna ka weydiin doonaan dilalka foosha xun, “Nabadgelyadeena aan ilaashano, awalba may dhici jirin ee maxay u yimaadeen, kolay guddi ahaan waa waxyaabaha aanu ugu yeedhi doono wasiirka daakhiliga, inuu umadda ka qanciyo oo uu xaqiiqo keeno, maxaad ka qabatay ee aad xaqiiqo ka haysaa.” ayuu hadalkiisa ku soo koobay xildhibaan Cabdillaahi.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Warbaahintu isku dayay inay wax ka weydiiyo arrimahan ay umaddu ka sugayso, ayaanay noo suurtogelin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews