berberatoday.com
Daawo Muqaalka”Wariye Axmed Sakaro Oo Ka Hadlay Edaysanayaal Loo Xukumay Oo Loo Iibiyey Xadhigii Maxkamadu Ku Riday
March 7, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Togdheer Ayaa Dib Xoriyadoodii  Ugu Soo Celisay Una Fasaxday 6 Eedaysane Oo Jidh Iyo Dhaawac U Gaystay Wariye Sakaaro Oo Kamida Wariyayaasha Gobolka Togdheer Oo Ay Dhawaan Maxkamada Gobolku Xukuno Kala Duwan Oo Iskugu Jira Xadhig Iyo Ganaax Lacageed Ku Riday.

sakaaro

Waxaana Maxkamadda Gobolka Togdheer Ay Ka Dhawaajisay In Loo Iibiyay Xadhiga Lixda Eedaysane Ee Loo Hastay Inay Jidh Dilka U Gaysteen Wariye Sakaaro Oo Kamida Wariyayaasha Gobolka Togdheer.

Wariye Axmed Muuse Sakaaro Oo Ah Dhibanaha Jidh Dilka Loo Gaystay Oo Maanta Shir Jaraaid Ku Qabtay Magalada Burco Ayaa Waxa Uu Daha Ka Qaday  Inay Maxkamadu Dib U Fasaxday 6 Eedaysane Ee Ay Dhawaan U Xukuntay Isla Markaana Loo Haystay

Dhaawacyo Iyo Jidh Dil Xoogan Oo Ay U Gaysteen Wariyaha Sidoo Kalena Wariye Sakaaro Waxana Uu Ku Sheegay Shirkisan Jaarid Inaan  Maxkamadu Kala Soo Tashan Isla Markaana Aanay Soo Ogaysiin Sii Dayntooda Balse Mar Qudha Uun Lagu Arkay Iyagoo Dhex Maraya Gudaha Magaalada Burco Waxaana Uu Yidhi Sida Tan

“Dhacdo Ahayd  Weerar Qorshaysan Oo Lasoo Abaabulay Oo Ku Tallo Gal Ahaa Oo Lagu Soo Duuley Naftayda Isla Mar Ahaanta Dhaawacyo Xoogan Lay Gaystay Ayaa Ay Dhawaan Maxkamada Gobolka Togdheer Xukuno Ku Riday Dadkii Jidh Dilka Ii Gaystay,Markaana Dadkii Falkaas Ku Kacay Qaarna Waa Lasii Daayay Qaar Xukuno Ayaa Ku Dhacay,Waxaa Wax Lala Yaabo Ah In Dadkii La Xukumay Ay Ilaa Maanta Ilaa Shalay Ay Dabadda Joogeen Oo Lasii Daayay Iyada Oo La Leeyahay Waa Loo Iibiyay Xadhigii, Maantana Cid Alaale Iyo Cid Ii Xidhan Oo Danbigii Aniga Lay Gaystay Ahaa U Xidhani Ma Jiraan,Waxaanay Noqonaysaa Xukun Afka Uun Ahaa Ee Aan Cadaalad Ku Dhisnayn”Sidaas Ayuu Yidhi Wariye Sakaaro

Wali Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Wariye Axmed Sakaaro Ayaa Waxa Uu Intaa Ku Daray

“Runtii Waan Tagnay Maxkamada Xeer Ilaalinta Waxaanan Ka Qaatay Racfaan Laakiin Maaha In Mar Walba Tacadi Bini’aadam Loo Gaysto Hadan Aan Xukunkii Siday Tahay Loo Qaadin Waana Cadaalad Darro, Aad Iyo Aadbaanan Uga Xumahay In Dhamaanba Dadkii Eedaysanayaasha Ii Ahaa Aan Maanta Hal Qof Laga Hayn Oo Aanay Ka Xidhnayn Dabadana Ay Iska Wareegayaan Waana Dhacdo Aad Iyo Aad U Xanuun Kulul”Sidaas Ayuu Yidhi Wariye Axmed Sakaro

Dhanka Kale Wariye Sakaro Waxa Uu Maxkamadda Sare Ka Codsaday In Arinkan Ay Ku Kacday Maxkamadda Gobolka Togdheer Ay Il Gaara Ku Eegaan Isla Markaana  Cadaalada Mar Labaad La Horkeeno Eedaysanayaasha Xukunku Ku Dhacay  Hadana Lasii Daayay Waxaana Uu Yidhi.

“Waxaan Maxkamada Sare Iyo Xeer Ilaalinta Guudba Ka Codsanayaa In Arinkayga Il Dheeraada Lagu Eego Oo Dadkii Jidh Dilka Iyo Dhaawacyada Ii Gaystay Mar Labaad Cadaalada Lasoo Hortaago Oo Laga Jawaabo Falkaas Ay Ku Kacday Maxkamadda Gobolka Togdheer”Sidaas Ayuu Hadalkiisa Kusoo Koobay Wariye Axmed Muuse Sakaaro

Gabagabadiina Waxa Uu Wariye Sakaaro Uu Carabka Ku Dhuftay In Dacwad Isaga Ka Dhan Ah Loo Gudbiyay Maxkamada Iyada Oo Dadkii La Xukumay Lasii Daayay.

 

Halkan Hoose Ka Akhri Xukunadii Ay Maxkamada Gobolka Togdheer Ku Riday Eedaysanayaasha Loo Haysto Jidh Dilka Loo Gastay Wariye Sakaaro Hadana Lasii Daayay.

  • Cabdilaahi Maxamed Xandule (Afcas) Oo Hada Aan Joogin Oo Maqane Ah Waxay Maxkamadu Ku Xukuntay 7 Sanadood Oo Xadhig Ciqaabeed Ah, Waxaana Uu Ahaa Ninkii Dhawacyada Cul Culus Uu Gastay Wariye Sakaaro
  • Cabdi Yusuf Cilmi Oo 44 Sanno Jir Ah,Maxkamaddu Waxay Ku Xukuntay 1 Sanno Oo Xadhig Ah Iyo Ganaax Dhan “500,000 Shilling Somaliland Ah” Waxaana Uu Ahaa Ninkii Gacanta Ku Siiyay Dambiileafcas Inuu Ka Baxsado Goobtii Uu Weerarku Ka Dhacay Kuna Qaaday Gaadhigiisa.
  • Cabdiqani Maxamed Cali Oo 20 Sanno Jir Ah Waxay Ku Xukuntay Maxkamadu 6 Bilood Oo Xadhig Ah Iyo Ganaax Dhan “300,000 Somaliland Shilling Ah”,Oo Isna Ahaa Gacansiin Danbiile Oo Hagayay Ninka Weerarka Geeystay.
  • Cabdirisaaq Cali Jaamac Oo 28 Sanno Jir Ah Waxay Maxkamadu Ku Xukuntay Ganaax Dhan “500,000 Somaliland Shilling”Waxaana Uu Ahaa Ninkii Lasoo Hadlay Wariye Sakaro Ee U Hanjabay

Sidoo Kalena Maxkamadda Gobolka Togdheer Waxay Xoriyadoodii Usoo Celisay Laba Eedaysanayaal Loo Haystay Gacansiinta Weerarkii Wariye Sakaaro Lagu Dhaawacay Oo Lagu Waayay Eedaymahaas Loo Haystay  Waxaanay Kala Ahaayeen.

  • Aadan Cali Rooble Oo 56 Sanno Jir Ah
  • Jamaal Cabdi Yusuf Oo 23 Sanno Jir Ah

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews