berberatoday.com
HARGEYSA: AASAASAHA DUGSI U GAAR AH GASHAANTIMAHA GUUR-DOONKA AH OO KA WARRANTAY CULUUMTA LAGU DHIGO
March 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com):- Dugsi lagu barto arrimaha dhismaha qoyska, guurka iyo qaababka hablahu u dooran lahaayeen lamaanahooda nolosha la wadaagaya, ayaa laga furay magaalada Hargeysa. Dugsigan oo magaciisa la yidhaahdo Qoys-kaab, oo dufcadii labaad ka qalin jebisay isla markaana u gaar ah haweenka oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee laga furo mandaqadda geeska Afrika, ayaa Nada Yuusuf Cumar oo aasaastay dugsigan faahfaahin ka bixisay sababaha ku kalifay, iyo aqoonta lagu barto.

guurdoon“Ka dib markaan arkay dhibaatooyinka dhex mara qoysaskeena, iyo sida baddi dhalinyarradu aanay u fahamsanayn arrimaha qoyska aqoon u yeelashadeedu muhiim tahay, ayaan u furay dugsigan,”ayey tidhi Nada Yuusuf, aasaasaha dugsiga Qoys-kaab, waxaanay intaas ku dartay.“Qofku markuu dhalinyarro yahay waxuu ku dedaalaa guurka, laakiin guurka ka dib nolosha wuu nacaa, markaa noloshii uu hilowga badan u qabay ku adkaato, ama arko burburka qoysaskii ka horeeyey, waa mushkilad, si loo rumeeyo qawlkii Ilaahay inoogu sheegay in nolosha guurku raxmad iyo kalgacal tahay ayaa igu dhalisay aasaaska dugsiga Qoys-kaab.” Naada Yuusuf oo ka hadlaysay aqoonta lagu barto dugsiga ayaa sheegay inay ka mid tahay arrimaha qoyska iyo sida reer wanaagsan loo unko, sida qoyska dhisan loo adkeeyo, caafimaadka hooyada iyo sida loo  horumariyo dhammaan arrimaha qoyska, Aabe, hooyo iyo caruurba.

Haweenka wax ka barta dugsiga Qoys-kaab, oo toddobaadkiiba  maalin la dhigto ayaa aqoonta ay ka bartaan ka mid tahay doorashada lamaanaha iyo wiilka inantu nolosha la wadaagayso iyo hanaanka ay ku soo xulanayso.

“Maadama inan walba u taagan tahay inay guursato, dugsigan waxa lagu bartaa arrimaha qoyska, ha noqoto xalinta khilaafaadka, sida dhaqaalaha loo ilaaliyo, barbaarinta ubadka, ayaa igu kaliftay helitaanka aqoonta dugsigan.” Ayey sheegtay inan ka mid ah ardayda dugsiga Qoys-kaab.“Inbadan waxaan ku rajo weynahay haddii aan noqdo hooyo inaan caruurtayda iyo qoyskayga ilaalin karo.”

Farduus Axmed Jaamac oo ka mid ah gabdhaha fursada u helay inay wax ka bartaan dugsiga Qoys-kaab ayaa sheegtay in lamaanaha ay nolosha la wadaagayso ka eegayso dhinaca diinta, waxaanay tidhi “Waxa koowaad ee lamaanaha lagu xusho waa diintiisa iyo dhaqankiisa, taana qofka dushiisa ayey ka muuqanaysaa oo diintu waa dhaqan, mana aha wax qarsoomi kara.”

Dugsigan oo dufcadii labaad ka qalinjebisay ayey Naada Yuusuf sheegtay in xilligan hablahii ka baxay qoysas yagleeleen, in kalena qorshahiisii ku jiraan,

“Qaar naftoodii horumariyey, qaar rag wanaagsan sugaya, qaar xilliganba qoysas yagleelay oo noloshooda ku faraxsan way jiraan,” ayey Naada Yuusuf u sheegay weriye ka tirsan idaacada VOA.

Furitaanka dugsigan iyo aqoonta uu bixinayo ayaa dhab ahaan noqon doonta mid wax badan ka bedesha caqabado dhalinyarro badan kala kulmi jireen dhismaha iyo adkaynta qoysaskooda, oo inta badan sababo looga dhigo karo maqnaanshaha aqoonta dhismaha qoyska oo muhiim u ah lahaanshaheeda qof walba oo leh qoys ama qorshaysanaya, sida bilowga ama qabashada hawl kasta shardi u tahay in aqoonteeda loo yeesho.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews