Khartum(Berberatoday.com)-Magaalada Khartuum ee caasimadda waddanka Suudaan waxa maanta Aas qaran loogu sameeyay alle u naxaritee Xasan Turaabi oo ahaa caalim muslim ah.
Xasan Turaabi, waxa uu geeriyooday isaga oo da’adiisu ahayd 84 jir , waxa uu ahaa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee The Popular Congress Party.
Waxa uu qayb ka ahaa inqilaabkii sannadkii 1989-kii Cumar Xasan Al-Bashiir awooda ku qabsaday ,laakiin 10 sanno waxa uu noqday mucaaradka ugu weyn ee dawlada , isaga oo ahaa siyaasiga kaliya ee reer Sudan ee taageeray warqadii qabashada ee maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC ugu jartay Madaxweyne Al-Bashiir ku lug lahaanshihiisa xusuuqa gobolka Darfur 2009-kii
Dhawr jeer ayaa loo xidhay mucaaradad uu dawlada kala horyimid
Waxa uu shahaadada labaad ee Master-ka sharciga ka qaatay jaamacad ku Magaalada London , halka shahaadad sare ee PHD ee isla sharciga uu ka qaatay jaamacada Sorbonne ee Magaalada Paris .
Turabi waxa uu wax ka qoray falsafada Diinta Islaamka .
Xasan Turabi waxa uu ku hadli jiray luuqadaha Ingiriisiga, Faransiiska iyo Jarmalka
Berberatoday.com.