berberatoday.com
Maxamed Biixi iyo Kijaandhe oo ka maquurtey wadahadaladii shaley ee kooxdooda iyo xisbiga wadani
March 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com) -Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibadda somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo xildhibaan Kijaandhe oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada somaliland sidoo kalena ka tirsan siyaasiyiinta ku midoobay garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonka Kulmiye ayaan iyagu habayaraatee kasoo qayb galin wada hadaladii ay garabka isbahaysigu la fureen xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani Iyo Ucidkijaandhe iyo maxamed b yoonis

Waxaana warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakadda Ramaasnews ay sheegayaan in xildhibaan Kijaandhe ay masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland iyo xisbiga kulmiye ay kulan xod xodasho ah la yeesheen xildhibaanka oo kamida garabka isbahaysiga kulmiye.

Kulankan ayaa daaranaa siday wararku sheegayaan sidii loosoo xero galin lahaa xildhibaanka, iyada oona masuuliyiinta kulmiye usoo bandhigeen Kijaandhe in lagu abaal marin doono mansabka uu xildhibaan Waabeeyo ka hayo xisbiga kulmiye oo ah gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye sidoo kalena isna ka tirsan garabka hadii uu kusoo laabtay xisbiga kulmiye.

Sidoo kalena waxa iyaduna xusid mudan in Ex wasiiir Maxamed Biixi aanu isaguna sidoo kale  kasoo qayb galin kulamo hoose oo ay wada yeesheen masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta garabka isbahaysiga kulmiye.

Ilaa hadana lama garanayo sababta rasmiga ah ee ka danbaysa inay masuliyiintani ay kasoo qayb gali waayaan kulamadaas ay siyaasiyiintu la yeelanayaan xisbiyada dalka sidoo kalena aanay wali ka hadal.

Waxaana ay bulshada somaliland is waydiinaysaa masuuliyiintani maku laaban doonaan xisbigii kulmiye ee ay markii hore qaadeceen doorashadii ka dhex dhacday iyo waliba xildhibaan kijaandhe ma ku qanci doonaa mansabkaa lasoo hordhigay ee ah gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga kulmiye?,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews