berberatoday.com
“WAXAA CAAN NOQOTAY IN MARKA AANU HADALNO NALAGA DABA HADASHIIYO DAD AAN MAQAAMKAYAGA AHAYN OO WEJI-KU-MACAASH AH”
March 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Suldaan Xasan Suld. Cabdillaahi Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Xorriyadooda Loo Soo Celiyo Salaadiinta U Xidhan Shaqaaqadii Hadayta

Hargeysa (Berberatoday.com) – Suldaanka Guud ee Beelaha SUBEER AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay Xorriyaddooda u soo celiso Labada Suldaan oo  Xukuumaddu  u xidhay  Weerarka lagu qaaday Deegaanka Hadeyta oo Komiishanka Doorashooyinku raaciyey tuulooyinka hoos taga Degmada Lughaya ee Gobolka AWDAL, inkasta oo Shacabka Gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal ku muransan yihiin Gobolka ay ka tirsan tahay.SULDAAN-XASAN-SULDAAN111

Suldaan Xasan, waxa kale oo uu Xukuumaddu u soo jeediyay inay  soo afjarto muranka Dhuleed ee ka taagan Lix Degmo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Hargeysa, kuwaas oo 15-kii Sanadood ee u dambeeyay aanay Dadka ku nooli ka qayb-gelin doorashooyinkii Dalka ka dhacay, maaddaama oo la isku haysto Gobolka ay ka tirsan yihiin, “Shacabka Waqooyiga (Hargeysa) ee Muddada Xaqiisa iyo Xuquuqdiisa u la’ayn, iyada oo aan Xadkiisa iyo Xurmadiisa la garan waayey ayaynu Maanta u fadhinaa in la fasaxo, Maaddaama oo aynu Muddo dheer u samreynay in la fasaxo oo xitaa aanu Kacdoon Shacbi hore uga samaynay, Kacdoonkaas oo Galaaftay Xukuumaddii Sharafta lahayd ee ka horeysay Xukuumaddan, Waayo? Kacdoonnadaasi Sababtii ay u dhaceen Utunnihii ugu waaweynaa ayay ka mid ahayd Cunsuriyadihii (ka jiray) Goobaha Gobolka Maroodi-jeex (Waqooyiga Hargeysa).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Xadhigga Suldaan Sabbeyse iyo Suldaan Ibraahim Sulub, “Qodobka labaad ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Madax-dhaqameedkii aanu Nabadda u dirnay iyo Innamadii Dirawaliinta u ahaa ee Gaadiidka u waday ee markii Kacdoonka Shacab ka kacay Waqooyiga (gaar ahaan) meesha Hadeyta loo yaqaanno gurmadka u tagey ee Innamadooda hubka ka soo gurayey ee ilaa Maanta xidhan, laguna Masabiday Shifto-nimada (Dabley ahaan), inay tahay in Oodda laga qaado (oo la soo daayo).”

Suldaanka Guud waxa uu farriin u diray Beelaha AWDAL iyo SELEL, waxaanu yidhi, “Haddaynu nahay Beesha Subeer Awal, Aniguna ahay Suldaankoodii Guud waxaan halkan ka caddeynayneynaa Beelahaa aynu Walaalaha nahay ee aynu Xeebta Waqooyiga wada degno ee Samaroon iyo Ciise ah ee aynu Abtiyaasha nahay, Gacanka nahay  in aanay wax dhibaato ahi innaga dhaxeyn, in aanay wax Utun ahi innaga dhaxeynin, inaynu walaalo nahay oo aynu Ul iyo diirkeed nahay.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, waxa uu ka hadlay Dilkii loo geystay Taliyihii Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Caseyr, “Tacsi baanu u direynaa Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil ee la dilay, aad baanuna uga xunnahay, waayo? Qaranka ayuu ka baxay oo Innaga ayuu inoo shaqeynayay, Qaranka ayuu u shaqeynayay, waxaase Nasiib daro ah halkan (Hargeysa) ayaa Wufuud laga dirayaa iyada oo Madaxdii Ummaddu joogto oo Dhaqanku uu jaran-jaro kala leeyahay, haddana Xukuumaddu waxay mar walba ku gabbaneysaa inyar oo ay Gacan-saar la leedahay, kuwaasina Maaha kuwo ka tarjumaya Arrimaha Masiiriga ah oo aan Anigu u xil-saartay Dhaq dhaqdhaqaaqyada Ceel-garde iyo hadday tahay Xeebta Waqooyigaba.”

Ugu dambeyn, Suldaanka Guud waxa kale oo uu farriin Nasteex ah u diray Dad uu ku tilmaamay Weji ku macaash, kuwaasi oo uu xusay in Xukuumaddu u adeegsato inay ka daba hadlaan Madax-dhaqameedka Beeshu markay Danaha Beeshooda ka hadlaan, “Waxa kale oo aanu caddeynaynaa in Xukuumaddani ku caan-baxday in marka aynu ka hadlayno Danaheenna, Rabitaankeenna iyo Deegaannadeena, Dadkeena iyo Qarankeenna in lagaa daba hadashiiyo Dad aan Maqaamkaaga ahayn ee loo yaqaan Weji ku macaashka oo wax lagu soo shubtay, waanu ka Afeef dhiganaynaaye kaasi innama matalo oo innama khuseeyo, hadduu naga daba hadlana hadalkiisu waa Waraabe Dharaar ciyey, ee calooshii u shaqeystuhu waxa yar ee la soo siiyey ha kula noqdo halka laga soo siiyo, hadduu talada Reerka doonayana meel bay taallaa Taladu Reerku, oo Gurigii Salaadiinta Subeer Awal baa halkan (Hargeysa) ku yaalla ee Annaga yaan Telefiishannada la noogu kaa kireyne guriga noogu kaaley.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews