berberatoday.com
Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Fashilmay Inay Xakameeyaan Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed Ee Xisbiyadda Qaar Iyo Shaki Laga Qabo Doorasho Xor?
March 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka Doorashooyina Qaranka Somaliland ayaa ku fashilmay inay xadidaan olollaha Siyaasadeed ee Xisbiyadda qaarkood dhowaan lasoo baxeen, isla markaana aan wax tallaabo ah iyo digniin midna, u jeedin labada xisbi Waddani iyo Kulmiye oo ollolaha wacyigelinta Diiwaangelineed uga faa’ideystay oloolle siyaasadeed oo aan waqtigiisi la gaadhin.

Komishanka ayaa raali ka noqday dhaqamo ku cusub saxadda tartanka Doorashooyinka, iyaddoo anay Diiwaangelinihii hore dhici jirin inay xisbiyaddu u baal cararan sida ay hadda oloolaha u bilaabeen labadan xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, sidoo kale, dhaliila shaqadda dayacantay ee Komishanka ayaa sabab uga dhigga arrimo, ay kamid yihiin waayo aragnimo la’aan haysata 7 xubnood ee Komishanku ka kooban yahay, iyo weliba sidoo kale, inay yihii ashkhaas dano gaar ah eegta, isla markaana ka hurda waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran kaantaroolka xadgudubka ah ee Xisbiyadda iyo cid kasta oo arrima Doorashadda u dhaqdhaqaaqda xilli ka horreeya kii loo cayimay.

2008kii xilligii hore ee la qabtay nidaamka Diiwaangelinta ayaanay habbara yaraatee asxaabta Siyaasadda lagu arag oloole Siyaasadeed iyo mid kale toona, kaddib markii Koomishanka Doorashaddu noqdeen kuwo Xisbiyadda maalin walba u digaayey, kuwaasoo u sheegayey khaladaadka ay ku kaceen, waxnay magacaabeen guddo anshax marineed oo isha ku haya dhaq-dhaqaaqyadda Xisbiyadda Siyaasadda.

Olollahan ay xillgan bilaabeen Xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye oo labaduuduba hantida ummadda ee cashuurta ah u adeegsanayaana oloolaha ayaan waxba iskaga tirinay Koomishanka oo ay og-yihiin inay yihiin kuwo aan aqoon u lahayn shuruucda iyo shaqadda ay u igman yihiin, waxana dayaca shaqo ee Xubnaha Komishanka loo sibir saaraya inay keentay inay shaqsiyaadda hoggaanka u ah, Koomishanku yihiin, kuwo gudashada waajibaadka shaqo ee ay hayaan, ka doorbiday inay ka nasteexeystaan hoggaanada labada xisbi, oo ay uga habranaayan Mashaariic iyo dano gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahaas ayaa keenay inay hadhow Koomishanku noqdaan kuwa la maamulo, oo Doorashadda lagaga shubto, waxanay Bulshada somaliland farta waddanaha ku hayaan sida ay u qaadi karaan masuuliyadda garsoornimo, iyaddo dadka qaarna aaminsan yihiin inay doorasho ay qabtaan xubnahani sabai karto isku dhacyo khasaare inoo keena.

 

Komishan

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews