berberatoday.com
Liiska Magacyada Sarakiisha Ciidamada Qaranka Somaliland ee la Diley Shantii Sano ee Madaxweyne Silaanyo Xilka hayey+Guddidii uu Magacaabey oo Weli la Sugayo.
March 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kiisaska dilka ah ee ciidamada Somaliland dhexdooda ayaa shantii sannadood ee u dambaysay u muuqda inay kordhayaan, waxaana soo badanaya taliyayaal iyo saraakiil ciidan oo la dilay.

Tirada saraakiisha kala duwan ee ciidamada qaranka iyo Booliska ee siyaabo kala duwan loo dilay ayaa gaadhaya sagaal sarkaal iyo hal sarkaal oo dhaawac ah, waxaana saraakiishan la dilay u dambeeyay taliyihii ciidanka Booliska gobalka Saaxil oo toddobaadkii hore la dilay. Sarkaalka dhaawaca ah ayaa ah Gaashaanle sare Xasan Caqli, oo ahaa taliyihii aagga galbeed ee ciidanka qaranka oo Borama lagu dhaawacay, saraakiisha kale ee la dilay ayaa kala ah.

 
dilka taliyayaasha
  1. Taliyihii saldhiga Ceerigaabo Marxuum Jaamac Ismaciil Garama-qaate.
  2. Beeshe Cabdi Cali oo ahaa taliyihii guutada 93 aad ee ciidanka qaranka ee Gobolka sanaaga –
  3. Taliyihii Ciidanka Qaranka ee guutada sadaxaad, Gaashaanle Siciid Cabdi Warsame,
  4. Xidigle Faarax Caraale,
  5. Captan Maxamed Yuusuf (Meys)
  6. Xiddigle Jaamac Bidaar,
  7. Taliyihii Saldhiga degmadda Arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-case),
  8. Aadan Guuleed Daahir Talaabo, taliyihii ciidanka SPU ee gobalka Saaxil
  9. Cabdirisaaq Yuusuf Casayr, taliyihii Booliska Saaxil

Si rasmi ah looma garanayo sababaha keenay dilalka saraakiisha, gaar ahaan saraakiisha ay ciidankoodu dilaan.  Laakiin Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo dareensan in mudadii uu talada hayay ay dilalka saraakiishu bateen, gaar ahaan kuwa ciidamada ka dhex dhacaa, ayaa sannad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka oo ku beegnayd bishii hore ee February, wuxuu sheegay inuu magacaabi doono guddi soo baadha dilalka ciidamada dhexdooda, waxaanu isagoo madaxweynuhu mawduucaas ka hadlaya uu yidhi   “Beryahan danbe waxa soo batay dilalka Ciidanka Qaranka dhexdiisa, gaar ahaan dilalka ciidamada dhexdooda. Arrintani waa denbi iyo dhaqan fool xun oo aan loo dulqaadan Karin, waxaan u cadaynayaa in cid kasta oo geysata dil sharci-darro ah in cadaaladda la horkeeni doono, cawaaqibka ay leedahayna la dhadhansiin doono.  Intaas waxa dheer, toddobaadka soo socda insha Allah, waxaan magacaabi doonaa Guddi Kooban oo baadhis qoto dheer ku soo samaysa sabaha abuuray ama dhiiri-geliyey dilalka Ciidammada dhexdooda. “

Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo guddigaas si qarsoodi ah u magacaabay iyo inaanu weli magacaabin. Hase yeeshee mawduucan ayay bulshada Somaliland u aragtaa mid xaasaasi ah, waxaanay noqday  hal xildhaale weli jawaabtiisa la raadinayo.

Saraakiisha la laayay

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews