berberatoday.com
“[Suld. Xasannoow] Luuqaddaas Bedel Waayo; Maanta Beeshaadu Waa Musharraxa, Haddaad Muuse Biixi Dhawri Weydona, Waxaan Qabaa Inaanad Beesha La Doonayn Gobonnimo”
March 9, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Boqor Buur-madow Oo Naqdiyey Luuqaddii Uu Suldaanka Subeer Awal Toddobaadkan Ku Dhaliilay Xukuumadda Somaliland

 “Waxaan Aaminsanahay In Beeshayadan Maanta Rabta In Ay Beeshaada Talada Ku Wareejisaa Ay Kaa Mudan Tahay Mahad-naq, Wixii Inna Soo Dhex Galayna Inaad Bustaha Saarto Ayaan Talada U Arkaa”

“Meesha Aanu Degno Ee Qorilugud La Yidhaahdo Iyo deegaankeeduba  Waxay Ka Tirsan Yihiin Buuhoodle Oo Idinkama Mid Nihin Leh….Marka Aad Maanta Madaxweyne Doonayso Ee Inankiinii Sharraxan Yahay Ma Qummana Inaad Tidhaahdo Tuulladaas Doorasho Ka Dhici Mayso”Buurmadow iyo Sudl. Xasan

 

Dubai (Berberatoday.com)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka jawaabay hadallo uu suldaanka guud ee beellaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaah Suldaan Cabdiraxmaan ku naqdiyey xukuumadda Somaliland horaantii toddobaadkan, sidoo kalena ku cambaareeyey xayiraada saaran degmooyinka waqooyiga hargeysa ee codayntoodu laalan tahay. Boqor Buurmadow oo hadalkaasi daba socda aya isaga oo dalka dibadiisa ku sugan ka jawaabay eedahaas Suldaan Xasan isla markaana soo bandhigo hadallo ay hore isu weydaarsadeen Suldaanka, kuwaas oo uu sheegay in aanay dhegaha ummada u wanaagsanayn maqalkoodu.  Cismaan Buurmadow oo hadalkiisa oo cod ah xalay lagu baahiyey barta internetka ee Yourubeka loo yaqaanno waxaa uu ku bilaabay sidan, “Suldaan Xasan Nin aanu saaxiib muddo dheer ahayn weeye, nin aanu walaalo nahay weeye,  nin aanu dhaqanka ummada kawada shaqaynana weeye,  run ahaantiina cadaawad iyo xumaan iyo uur xumona nin aan u ahayo maha , dhawr jeer oo aan la hadlayna waxaan qabaa hadallada aanu is dhaaf san jirnay kuwo aan run ahaantii raalli ka ahaa may ahayn, laakiin walaalkay haddallo soo noqnoqday oo   aan is idhaahdo ma wanaagsana ayaa beryihii dembe oo dhan ka soo noqnoqda.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud [Buur-madow], waxaanu intaa ku daray isaga oo sii ta’kiidinaya hadalkiisa, in ay xilliyadaas ay suldaanka Subeer Awal  is weydaarsadeen   hadallo aan dhegaha shacbiga u qumanayn “wax aanan aaminsanayn oo hadal adag ah oo aan ku wanaagsanayn in shacbigu dhegeysto ayaanu ku wada hadalnay, taasna waxaan qabay in uu isagu sababteeda lahaa. Maantana hadalladiisa kama uu duwin waddadii hore, waxaanse jecellahay inaan anigu maanta hadalkayga wadadaas ka duwo oo aan mariyo wadada aan is leeyahay isaga iyo aniga iyo beesha uu afkeeda ku hadlo iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland nasteex bay u tahay”. Ayuu yidhi, waxaana uu intaa kudaray “Beesha uu maanta suldaan Xasan Cumaamaddeeda hayo waxaan qabaa in ay tahay beesha aanu isugu dhaw nahay ee aanu ku faanno, Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa ninka aad ku faanto looma faano, waxaanan qabaa in aanan maanta u faani Karin una hanjabi Karin beeshaasi. Hadallada qaarkoodna marka ragga dhigayaga ahi wax qaban waayaan waanu adkaynaa laakiin wax caloosha nagaga jira maaha inaanu dawayno oo aanu wax ka qabanana waajibkaa na faraya, aniguna maanta markaan nasteex ula hadlayo Suldaan Xasan Waxaan leeyahay Luuqaddaas bedel arrimo badan oo jira awgeed. Maanta beeshiisii waa musharraxiin, annaguna beel ahaan siyaasadda raggii noo hoggaaminayay ee noogu waaweynaa iyo raggii kursiga fadhiyey waxay diyaar u yihiin inay beesha sharfaan, inay xilka ku wareejiyaan Muuse Biixi Cabdi Ayaanay aaminsan yihiin inuu dalkan meel fiican gaadhsiin karo. Hadallada uu Walaalkay Suldaan Xasan ku hadlayayna waxaan qabaa beeshiisu inaanay geyin isaguna uu ka istaaq-furi laysto, beel calool xumaan kartana maaha oo weligay maan maqal beesha Subeer Awal baa calool xumo iyo uur xumo lagu sameeyey, waa dadka ugu sharafta badan Somaliland. Runta markaan ka hadlayana waa cumaammada uu maanta dadka ku matalayaaa waa tii dadkii soo jireenka ah ee taladooda iyo arrinkoodaba lahaa ummada ku soo hoggaamin jiray. Qoddobka labaad ee aan leeyahay walaalkay waxaa uu yahay waxaad rabtaan waa sharaf iyo milgo laakiin haddaad beeshaada madaxweyne la diido oo inay taliso aad u diido oo Muuse Biixi [Musharraxa KULMIYE] dhowri waydo waxaan qabaa inaanad maanta gobonnimo beesha la doonaynin,  runtiina waxaan aaminsanahay in beeshayadan maanta kursiga ku fadhida ee rabta in ay talada ku wareejiso beeshaada in ay karaamo iyo mahadnaq kaa mudan tahay, wixii inna soo dhex galayna inaad bustaha saarto ayaan talada u arkaa”. Ayuu farriintiisa ku yidhi  Boqor Cismaan Buurmadow  oo  muuqaalkiisa oo lagu dul duubay codkiisa xalay lagu baahiyey barta Youtube-ka. Waxaa kale oo Buurmadaw isaga oo tixraacaya eedihii suldaanka Subeer Awal  kaga hadlay deegaannada codkoodu laallan yahay ee aan Sanaaduuqda codka la dhigin ee waqooyiga Hargeysa  uu ku maseeyey degmada Boqor Buur madow ahaan ay beeshiisu degto oo  uu sheegay in aan laga xukumin Togdheer “waxaan leeyahay Suldaanka Meesha layidhaahdo Qorilugud iyo deegaankeedu waxaanu ka tirsannahay Buuhoodle oo aan inna rabin oo leh idinkama mid nihin, markaa waxaan leeyahay dalka iyo dadku ma kala googi’I karaan waxaana sharaf noo ah in ay [reer Buuhoodle] na xukumaan, markaa maanta markaad Madaxweynaha doonayso ee wiilkaagii sharraxan yahay ma qumana inaad tidhaahdo  tuulladaasi doorasho ka dhici mayso, markaa waxaan soo jeedinayaa inaan qoladayadaas bariga nagaga dayataan oo beello kala duwani degaan, tusaale ahaan afar beellood baanu gobolka Sanaag ku wada degnaa maamul qaybsi iyo adigaa iga badsaday maamulka inaanu is nidhaahnaa way dhacdaaa laakiin wali ma dhicin tuullo aanu nidhaahno sanduuq la gayn maayo, xuduud aanu kala leennahayna ma jirto, taasina waa ceeb”. Ayuu yidhi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews