Macedonia oo Ka Dhawaajisay Inaysan Aqbali Doonin Qaxoonti Ka Soo Gudba Xuduudeeda
March 10, 2016 - Written by Berbera Today
Macedonia(Berberatoday.com)-Dawlada Macedonia ayaa sheegtay inaysan u ogolaan doonin inay qaxooti ka soo gudbaan xuduudda ay la leedahay Gariiga, iyadoo xayiraysa jidkii waddamada Balkan-ka ee ugu muhiimsanaa ee loo sii mari lahaa waqooyiga Yurub.

Boqolaal kun oo qof ayaa ayaa sii maray Macedonia sanadkii hore, laakiin waddanka ayaa soo rogay talaabooyin lagu adkaynayo talaabooyin adag bilihii ugu danbeeyay.