berberatoday.com
Maxkamadda Oo Gudo-galaysa Dacwada Salaadiinta U Xidhan Xiisadda Waqooyiga Hargeysa –
March 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada gobalka Hargeysa ayaa dhawaan bilaabaysa dhagaysiga dacwada salaadiin, mujaahidiin, cuqaal iyo dhallinyaro loo xidhay xiisada xaasaasiga ah ee ka taagan waqooyiga magaalada Hargeysa.

1

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in la diyaariyay gun-gaadhkii dacwada, waxaana dacwadan lagu dhagaysan doonaan deegaanka Mandheera, iyadoo maxkamadda oo guuraysaa ay tagi doonto Mandheera maalmaha ay dacwadu socoto. Sidoo kale xeer ilaalinta dacwadda oogaysa iyo qareenada eedaysanayaasha loo qabtay ayaa iyaguna tegi doona Mandheera. Maxaabiista ayaa ku jira xabsiga Mandheera.

Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa xukuumadda Somaliland ku daba gashay in deg deg loo soo dhammaystiro dacwadda loo haysto dadkaas oo gaadhaya dhawr iyo toban ruux, si ay maxkamadu u gudo gasho dhagaysiga kiiskan oo ah mid xaasaasi ah.

Dadkan ayaa loo haystaa weerar bishii hore loo gaystay goob diiwaangelineed oo ku taala dhul ay ku muransanyihiin gobalada Maroodi-jeex iyo Awdal.

Si kastaba ha ahaate, bulsho badan ayaa la filayaa inay ka qayb galaan dhagaysiga dacwadan, waxaanay dad badani isha ku hayaan geedi socodka dacwadaas.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews