berberatoday.com
Nuxurka Kulan Dhex-maray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Warbaahinta Online-ka Ah Ee Internetka
March 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Guddoonka, Guddiga (Boodhka) Ururka Shabakadaha Wararka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) iyo weliba Masuuliyiinta iyo Wakiillada Shabakadaha qaarkood, ayaa kulan laba geesood ah oo ay ku yeesheen xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa kaga wadahadlay qodobbo muhiim ah.

Kulanka Wasiirka iyo Masuuliyiinta Ururka Mareegaha, waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), Maareeyaha TV-ga Qaranka Cabdi Cali Mahdi, Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ka tirsan Khabiirrada Saxaafadda ee Wasaaradda Warfaafinta, Madaxa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Mawliid Maxamed Shaqalle, waxaana laga wadahadlay sidii Danta guud ama Danta Qaranka looga wada-shaqayn lahaa, isla markaana ay Saxaafadda Internet-ku uga dheeraan lahaayeen wax kasta oo dhibaato ku keeni kara nabadgelyada, danta Qaranka, wada-jirka iyo midnimada Beelaha Somaliland.

online1Waxaa Ururka SOMA ka soctay Guddoomiyaha Ururkaas Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale), Guddoomiye Ku-xigeenka Carraale Maxamed Jaamac, Xoghayaha guud ee Ururka Shabakadaha Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale),Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Cabdiqaadir Cilmi Kaahin (Shiine) iyo Cabdiqani Cabdillaahi Axmed (Asbaro), Good Maxamed Good oo Guddiga Ururka ka tirsan, kuwaasoo dood dheer iyo wadahadal saacado socday dhex-maray Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee kulanka goob-joogga ka ahaa.

Doodda iyo falanqayntaa ka dib, waxaa la iskula qaatay Kulankan Arbacadii Maanta dhex-maray Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxda Shabakadaha Wararka ee Somaliland ka hawlgala, qodobbo dhawr ah oo lagu xoojinayo Madax-bannaanida Saxaafadda, ilaalinta Anshaxa suubban, nabadgelyada, midnimada, Qarannimada iyo ka dheeraanta sumcad-dilidda Masuuliyiinta iyo Muwaaddiniinta iyo wixii la mid ah.

Qodobbada ay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Madaxda Warbaahinta Internet-ka ee Somaliland iskula qaateen Shirka ay Arbacadii Maanta wada-yeesheen, iyaga oo qoraal ah waxa ay u dhignaayeen sidatan:-

“Qodobbada Shirka:-

1-     Arrimaha Amniga iyo Xasilloonida dalka.

Inay innaga reebbanaato faafin fidno Qabiil kicin ah.
Inaan la baahin/Qorin War Been-abuur ah.

online2online3online4Inaan ka digtoonaanno faafinta ama qorista Suldaan ama Caaqil ku hanjabaya Af Qabiil.
In aan iska ilaalinno faafinta iyo Baahinta wax kasta oo halis ku ah Amniga iyo Ciidanka Qalabka sida Faro-gelintiisa-ba haddii aan si rasmi ah loo faafin.
In Baahinta Magaca Qabiilka ama Beel aan ku beddelno gobo, degmo, magaalo ama Tuulo.
In isku-dhufashada dalalka Jaarka ah sida Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo waxyeeli kara Cilaaqaadka fiican ee ka dhexeeya labada dal ay innaga reebban yihiin.
Inaan iska ilaalinno aflagaaddo Shakhsi oo qofka Muwaaddinka ah lagu dhaawacayo Sharaftiisa, Sumcaddiisa iyo Karaamadiisa-ba.
In Saxaafaddu Xor tahay oo la ilaalinayo Madax-bannaanideeda.

Allaa Mahad Leh.”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo bishii hore Wasaaraddan Madaxweynuhu u soo beddelay, ayaa intii uu xilka Warfaafinta la wareegay kulammo la yeeshay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, Sida Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Madaxda TV-yada iyo Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa, kuwaasoo ay qodobbadan oo kale isla meel-mariyeen ama isla-qaateen. Waana markii ugu horreysay ee sidan oo kale Wasiir Warfaafinta joogaa ula kulmo Ururka Shabakadaha Wararka ee Somaliland ka hawlgala.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews