Balli-dhiig: Baabuur Dawladdu leedahay Oo Loo Beddelay Gaadhi Jaad
March 11, 2016 - Written by Berbera Today
Balli-dhiig/G/Togdheer(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer Fu’aad Cali Xasan, ayaa ka hadlay Warar lagu baahiyey Internet-ka, kuwaasi oo lagu sheegay in Gaadhigii loogu talo-galay inuu Degmada ugu adeego uu u beddelay Gaadhi lagu qaado Qaadka (Jaadka).
Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig oo Warbaahintu la xidhiidhay, ayaa sheegay in Gaadhiga Qaadka lagaga Ganacsado ee la sheegay inuu yahay Gaadhigiisa leh Lambarka Dawladda (GT) aanu ahayn Gaadhigiisa, hasa-yeeshee uu yahay Gaadhiga uu wato Xoghayaha Degmada Balli-dhiig oo Dawladdu leedahay.