berberatoday.com
Dawo Cusub Oo Ka Hortageysa Cudurka Kaneecada Oo La Soo Saaray
March 11, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Halista ay haweenka uuruka leh ugu jiraan in qaadaan cudurka duumada ayaa ah mid aad u sareysa, dalalka Afrika ee soo koraya. Cilmi-baarayaasha ayaa sheegaya in 60% haweenka ka qeyb galay daraasad la sameysay lagu arkay caddeeymo muujinaya deris ku noolayaasha cudurka.

6565D671-2DF7-459A-97D8-8C0735E074CE_mw1024_s_n

Cudurka kaneecada ayaa mas’uul ka ah dhimashada in ka badan boqol kun oo ah caruurta ku dhasha dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, sanad kasta.

Cudurkan ayaa waxa uu sidoo kale sababi karaa in caruurta ay dhashaan xilli ka horreeya waqtigii loogu talo galay, ama ay ku dhashaan miisaan aad u yar, labadan arrin oo ka dhigaya inay qatar u galaan inay dhintaan marka ay dhashaan.

Sidaas darteed, haweenka ku nool dalalka cudurka duumada uu aad ugu badan yahay ayaa lagu booriyaa inay isku daboolaan shabaqa kaneecada marka ay seexanayaan.

Sidoo kale, haween badan ayaa waxa ay helaan daawooyinka qiimahoodu aadka u jaban yahay ee la isku daro ee loo yaqaan (sulfadoxinepyrimethamine) oo ururuka caafimaadka adduunka ee WHO uu ku taliyo in la qaato, si looga hortago cudurka.

Daawooyinkan ayaa mar ahaa kuwa ugu caansan ee cudurka duumada lagu daweeyo, hase yeeshee deris ku noolayaasha cudurka ayaa waxa ay noqdeen kuwa iska caabiya dawooyinkan, sida uu ku warramayo Grant Dorsey oo ah khabiir ku taqasusay cudurrada la is qaadsiiyo, oo ka tirsan jaamacadda University of California ee magaalada San Francisco.

“Toban sano ka hor ayaan joojinay inaan dawadan wax ku dawyeno, sababo la xiriira iska caabinta cudurka. Si kastaba waxaan weli u isticmaaleynaa inaan haweenka uurka leh uga hortagno inay qaadaan cudurka duumada. Sidaa darteed, ujeedada aan u sameynay daraasadda waxa ahayd in dawooyinka iminka lagu taliyo inay qaataan haweenka uurka leh laga yaabo inaysan shaqeeneyn”. Ayuu yiri Dorsey.

Sidaa darteed, cilmi baarayaasha ayaa tijaabinaya nooc cusub oo dawo ah laguna magacaabo dihydroartemisininpiperaquine.

Daraasad lagu daabacay wargeyska caafimaadka ee New England Journal of Medicine, ayaa Dorsey iyo saaxiibadiisa waxa ay ku warameen in dawadan ay aad u yareysay halista cudurka malaariyada ee 300 oo haween reer Uganda ah, kuwaasi oo aan qabin cudurka markii tijaabada la sameeyey.

“Halista in cudurka la qaado xilliga uuurka ayaa waxaa hoos ay u dhacday 17%. Islamarkaana haddii dawada aan siinay kaliya hal mar bishii, halista waxay hoos u dhacday kaliya 5%, sidaa darteed halista ah in cudurka duumada la qaado xilliga uurka waxay hoos ugu dhacday 17% guud ahaan, halka markii hore ay ka ahayd 40%”. Ayuu yiri Dorsey.

Marka si kale loo dhigo waxaa jiray hoos u dhac weyn oo ah in cudurka ay qaadaan haweenka uurka leh ee la siiyey dawadan cusub, kuwas oo helay heerka daryeel ee loo baahan yahay.

Dorsey ayaa taasi ay aad u dhiiri gelisay, wuxuuna yiri “Waxaan u maleynayaa tani waa arrin xiiso leh, haddii sida ay u muuqato ay u dhacdo, tani waxa ay hogaamin kartaa is-beddel lagu sameeyo hanaankii hore, islamarkaana ay hormariso haweenka”.

Hase yeeshee, waxaa jira dhaliil ay leedahay dawadan cusub, waana ayada oo qaali ah, islamrakaana haweenka ay u baahan yahiin inay qaataan in ka badan dawadii hore.

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa codsaday daraasad tan ka ballaaran oo lagu sameeyo waxtarka dawadan cusub, ka hor inta aysan ku talin in loo adeegsado inay ka hortagto cudurka duumada ee haweenka uurka leh.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews