berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Kashifay Shaxda Madaxtooyadda Iyo Xisbigiisu U Dejiyey in Lagaga Taxakhaluso Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen
March 11, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbul-xaakimka Kulmiye ahna Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Muuse Bixi Cabdi, ayaa badda soo dhiggay weedho nuxur ahaan u fasiraaya qorsha ama araagtida Madaxtooyadda iyo Xisbiga Kulmiye ee ku aadan ujeedada ka danbeysa khilaafka soo noq-noqday ee Xisbiga Ucid, isla markaana sheegay in Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid mar kale isku soo taago jagada Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlaayey munaasibad gudida Doorashooyinka Qaranku u qabteen, daahfurka bilowga diiwaan-galinta ee Codbixiyaasha gobolka Saaxil, waxa kaloo, muj. Muuse Biixi u rajeeyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe inuu guul ka gaadho tartanka Doorashada aqalka Madaxtooyadda, rajadaasoo sida uu xusay uu u cuskaday, maadaama laba jeer oo hore uu ku guuldareystay tartanka Doorashada aqalka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiye Muuse Biixi, waxaanu yidhi, “..Saddexda xisbi Qaran ee maanta jooga Faysal waa runtiisa ee waa waayo-arag oo wuu noogu odaysan yahay, labada goor oo hore ayuu tartan galay oo muu dhicine wuu simbiriraxday In Shaa Allaahu ka dambe ayuu ku guulaysan doonaa, labadaa horena qaranka abaal buu ku leeyahay oo wuxuu ahaa ninkii u horreeyey ee natiijada ictiraafay, markaa waa odaygayagii oo taa waanu ogolnahay…”.

Geesta kale, Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu mar saddexaad madashii kulanku ka dhacay ka sheegay inuu yahay Soddoh, hadalkaasoo marka loo eeggo Gobolka Saaxil ee uu joogey iyo xubnaha uu jecel yahay inay tartanka Doorashada la galaan, micnihiisa loo fasiran karo inuu yahay mid uu ku diidan yahay ama uu meesha kaga saarayo Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, sidoo kalena uu ku dhiri-gelinaayo rabitaanka jagadaas Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Arrinkaasoo ah mid doodiisu ku badan tahay Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha taabacsan Xisbigiisa, oo iyagu qaba in Musharraxnimada Jamaal cali Xuseen khatar ku tahay guushiisa.

Hase-yeeshee, haddii bedelka Jamaal Cali Xuseen uu jagada yimaado Eng Faysal Cali Waraabe, ay dhib yar tahay guusha Kursigu, isagoo arrinka ka hadlaya waxa weedhihiisi kamid ah, “..Ka saddexaad waa aniga oo sodohdii baan ahay xisbal-xaakim, sodohduna waxaan wanaag iyo xishood lahayn ma taliso..”. si kale, hadii loo eego hadalka Muuse Biixi waxa loo fasiran karaa inaan ujeedadu ahayn sida, balse dhawaqa ereyaddan uu uga dan lahaa inuu yahay nin gobolka martida loo yahay ku abtirsada ee Saaxil.

Balse hadii ula jeedka hadalkiisu sida yahay, waxa taasi noqon doontaa qabyaalad daahir yaa Shamis ah?, taasoo uu ku waayi karo ama lumin kartaa boqolaal kun oo Cod oo gobollada kale ee dalka ah. Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa ah fallaadh uu si ula kac ah ugu ganay Muuse Biixi Musharraxa da’da yar ee ay mudada dheer aabihii saaxibka soo ahaayeen Jamaal Cali Xuseen, waxas’e arrintani ku xidhan tahay kolba jawaabta uu ka bixiyo Musharraxa la weeraray Jamaal cali Xuseen.

Halkan Daawo Muuqalka Muuse Biixi oo tilmaamaya Inuu Faysal cali waraabe Musharax yahay

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews