berberatoday.com
Kismaayo:Hal Ruux Oo Ku Dhintay Buur Dhagaxa Laga Qodo Oo Kusoo Duntay+Daaawo Sawirada
March 12, 2016 - Written by Berbera Today

Kismanyo(Berberatoday.com)-Halka loo yaqaan dhagaxjabinta oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa ah goob laga soo saaro dhagaxaanta loo isticmaalo dhismayaasha, ayadoo halkaasi ay ka shaqeeyaan muruqmaal fara badan.
5
Shalay gelinkii danbe ayay buur kusoo duntay shaqaale ku hoosjiray oo xilligaasi dhagax ka jabinayay godad buurta hoosteeda ah, waxaana ku dhintay hal qof ayadoo ay ka badbaadeen sedex kale oo ay isku meel ka shaqeeynayeen.

Ninka ay buurta kusoo duntay oo ay da’diisu ahayd 33 sano jir ayaa weli kuhoosjiray buur weyn oo dhagax ah, ayadoo tobaneeyo shaqaale kamid ah dadkii halkaasi ka shaqeyn jiray ay la tacalaalayaan sidii ay meydkiisa dibada ugu soo saari lahaayeen.

Ibraahim Max’ed Cabdi oo kamid ah shaqaalihii ku hoosjiray buurta xilligii ay soo dumeeysay ayaa warbaahinta  u sheegay in buurta ay kusoo duntay xilli ay dhagax kala baxayeen god weyn oo buurta hoosteeda ah, isagoo sheegay in arintan ay sabab u tahay roobab ka da’ay magaalada.

“Markii ay soo dumeeysay buurta hoosteeda ayaan ku jirnay, aniga iyo laba wiil kale waan is agfadhinnay, ninka hadda ay buurta ku habsatayna waxyar ayuu noo jiray, carro soo daadatay ayaan aragnay, kadibna way soo duntay, inaga godkii ayan ku cararnay, saaxiibkeen oo xilligaasi fadhiyayna buurta ayaa ka kormartay oo ilaa hada waa la qodayaa waana la la’yahay,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf Timajilic oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobtaasi gaaray ayaa amar ku bixiyay in laga  bilaabo maanta la hakiyay in buurahaasi dhagaxa laga shaqeeyo, inta uu maamulka xal uga keenayo, dhibaatadan soo laalaabatay ee ah buuraha kusoo dumayo shaqaalaha.

Halka loo yaqaan dhagaxjabinta ee magaalada Kismaayo, laga soo bilaabo sanaddu markay ahayd 1997 ilaa hadda in ka badan 42 qof ayaa ku dhimatay buuraha dhagaxa laga jabiyo iyo kaabooyinka carrada laga qodo oo ku soo dumay.
12345678

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews